
Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Qolyaha Mucaaradka ku ah Somaliland farriintoodu ka dheeraatay Farriinta Somaliland u gudbinayso Beesha Caalamka, isla-markaana aan la garanayn meesha ay Somaliland farriimaheedu marayaan.
Ugu horrayn Mudane Cirro oo ka Hadlayey Soo jeedintoodii ahayd in tirada Xubnaha Komishanka la kordhiyo, ayaa Hadalkiisa ku Bilaabay, “ Kamaanan Laaban laakiin, Sharcigu ilaa hadda wuxuu dhigayaa 7 Xubnood. Axmed Maxamed Maxamuud, Madaxweynaha Somaliland markuu ahaa gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Wuxuu ku doodayay in Komishanka laga dhigo 9 Xubnood, anaguna tii uun baanu taagay oo waxaanu leenahay si sinaan loo helo oo Caddaalad u helaan Axsaabtu 9-kay ku wanaagsan tahay laakiin, haddii Madaxweynuhu ku adkaysto 7 ha noqdaana intii aanu ku leenahay ayuun baanu gudbin doonaa haddii Alle ka dhigo”
Gudoomiyaha Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inaan Xukumadda Somaliland si caadi ah uga jawaabin Baaqyada Caalamiga ah ee ku aadan In Somaliland Ciidanka ka soo saarto Saax-dheer.
“Waxaan isleeyahay farriimihii Somaliland looga baahnaa ee arintaaasi ku saabsanaa saani inoogamay wada bixin, waa laga yaabaa qolyaha Mucaaradka ku ah Somaliland farriimahoodu inay ka bateen kuwa Somaliland gudbinayso, markaa wakhtigii beesha caalamku tidhi Taleex ka baxa Madaxweynuhu wuu noo yeedhay si looga wada tashado Arintaasi, waxayna ahayd in Xukumadda, Axsaabta iyo goleyaasha oo wada socdaa Beesha caalamka u tagaan, taana xukumaddaa ka baxday. Xukumadduna haddii ay hawshaa ku filan tahay oo kaligeed qabanayso waanu ku hambalyeynaynaa, maalintaasna waxaanu ku nidhi haddaydaan ku filayn diyaar baanu u nahay inaanu garab idin siino” Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiye Cirro ayaa ciidanka qaranka ku Hambalyeeyey Guusha ay ka keeneen Deegaanka Saax-dheer, waxana uu tilmaamay in shacabka Halkaas deggen dantoodu ku jirto Somaliland oo ah Dalkoodii.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment