Thursday, August 28, 2014

Dawladda Jarmalka oo Maal-gelinaysa Mashruuc Beeralayda loogu faa’idaynayo oo Saamayn ku yeelanaya Biyaha Geed-deeble

Wasaaradda Beeraha iyo Wefti ka socda Baanka Horumarinta Jarmalka oo Indhahooda
ku soo Arkay Khasaare Baaxad leh oo gaadhay Dhul-beereed ka tirsan gobolka Gabiley

Hargeysa, 28 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof Faarax Cilmi Geedoole oo ay weheliyeen Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Baanka Horumarinta dawladda Jarmalka (KFG) iyo hay’adda GIZ oo laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa shalay indhahooda ku soo arkay nabaad-guur iyo Khasaare baaxad leh oo fatahaada daadadku u geysteen Dhul-beereed ku yaala deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley.
Dhul-beereedka Wasiirka iyo Weftiga ka socday dawladda Jarmalku kormeerka ku mareen, ayaa ku yaalla deegaan ka tirsan degmada Alleybaday ee gobolka Gabiley, gaar ahaan deegaan u dhexeeya ama ay ku kala bad-dhaan labada Doox oo Waaheen iyo Biji oo xilliyada roobabka ay daadad fara-badan oo beeralayda waxyeello gaadhsiiya ka soo rogmadaan.
IMG_1603Wasaaradda Beeraha Somaliland oo kaashanaysa Bangiga horumarinta dawladda Jarmalka iyo hay’adda GIZ, ayaa qorshaynaysa sidii biyo-qabatin loogu samayn lahaa dooxyada si looga hortago burbur ay fatahaadaha daadku gaadhsiiyaan dhul-beereedka deegaankaas oo ka mid ah meelaha wax-soo-saarka dalaggu ugu badan yahay Somaliland
Wasiirka iyo weftiga wehelinayey waxa ay socdaalkooda ugu kuur-galeen xaaladda dhul-beereedka deegaan hoos yimaadda degmada Alleybaday, halkaas oo ay indhahooda khasaare isugu jira dil-dillaac iyo laago fatahaadaha daadadku u geysteen dhul-beereedka deegaankaa oo dhex yaalla dooxyada Waaheen iyo Biji, halkaas oo la qorsheeyey isla markaana uu wasiirku u soo bandhigay weftiga ka socday Jarmalka maalgelinta mashruuc biyo-qabatin ah oo lagu karantiimaynayo carro-guurka isla markaana lagu waraabiyo beeraha.
Wasiir Geedoole oo hadal kooban ka jeediyey goobta ay kormeerka ku sameeyeen, ayaa sheegay in waxtarka mashruucani u yeelanayo beeralayda ka sokow, ay suurta-gal tahay inay kordhaan biyaha Geed-deeble, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Halkan aynu ku suganahay waa halka ay ku kala baydhaan togagga Waaheen iyo Biji, waxaanu rajaynaa in dhulka biyaha la xidho oo ay nagala shaqeyaan Jarmalku si beerahan go’aya ay u badbaadiyaan oo biyihii loogu qabto beeraha ayna u suurto gasho in Geedeeble ay biyihii kor u kacaan oo ay soo kordhaan, waana mashruuc biyo qabad ah waa mashruuc wax weyn u tari doona Somaliland,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland Prof Faarax Geedoole.
Thomas Herzberg oo ka socday Baanka horumarinta Jarmalka ee KFW iyo Axmed Cabdilaahi oo ka socday hay’adda Jarmalka ee GIZ oo iyaguna ka hadlay goobta, ayaa ka markhaati kacay khasaaraha daadadku u geysteen dhul-beereedka, iyaga oo sheegay inay ka qayb-qaadan doonaan mashruuca lagu hirgelinayo biyo qabatinka iyo ka-hortagista nabaad guurka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment