Saturday, August 23, 2014

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Baarlamaanka Oo Kulan La Yeeshay Maayarka Magaalada Gabiley

Hargeysa:Aug,23,2014(Himilo)-Guddida Ilaalinta Hantida qaranka Baarlamaanka Somaliland, ayaa Maanta kulan la yeeshay Maayarka Degmada Gabiley, iyagoo ka xog waraystay Arrimaha Hantida Dawladda Hoose ee Deegaankaas.

afpKulanka oo ahaa mid Albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday, waxa warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in yeedhmadani aanay kaligii ku koobnayn ee ay Gobolada iyo degmooyinka dalka ugu yeedhi doonaa, “Kolay waa kulamo ay ku mari doonaan guud ahaa degmooyinka dalkoo dhan, waxay naga xog waraysteen wixii noo qabsoomay mudadii aanu xilka haynay, wixii aan qabsoomin, caqabadaha na hortaagan inahaas ayaanu iska waraysaynay oo ay wax naga waydiiyeen” ayuu yidhi Maayarka Gabiley

Maayarka oo la waydiiyay Aragtidiisa ku aadan in wakhtigan Goleyaasha degaanku xilka ka qaadi karaan Maayarada ka dib markii wakhtigeedu dhamaaday digreeto sanadkii hore lagu soo rogay oo ahayd inaan maayarada xilka laga qaadi Karin waxa uu yidhi “Horta Goleyaasha degaanku xaq bay u leeyihiin inay is-doortaan, waayo? Maayarada maanta jooga waa xubno xildhibaano ah oo aan waxba dheerayn golaha intiisa kale. Markaa marka horena iyagaa doortay, hadii ay imika ka qaadana waa wax sharcigu u ogolyahay, wax mushkilad ahina ma jirto, Ilaahay baana Og cida ugu horayn doonta iyo siday wax noqon doonaan”

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment