Tuesday, August 26, 2014

Wasiirka Ganacsiga oo Xadhigga ka jaray Goob ku cusub Somaliland oo ay soo kordhisay Shirkadda Dollar Store

Hargeysa, 26 August, 2014 (Himilo)- Shirkadda Ganacsiga Noocyada Dharka, Kabaha iyo Agabka Xarragada ee Dollar Store, ayaa shalay qayb cusub ka furatay xarunta Ganacsiga Dero Mall ee Caasimadda Hargeysa, taasoo uu xadhigga ka jaray Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim.

Xaruntan Ganacsi oo Magaceedu Yahay GOOGAA, ayaa laga furay Xarunta Ganacsiga Deero Mall ee Hargeysa, waxaana Munaasibadda Furitaankeeda ka soo qaybgalay Wasiirka Ganacsiga ka sokow, Wasiirka Wershadaha, Wasiir Ku-xigeenka, Duqa Caasimadda Hargeysa, Maayerka Jabuuti, Masuuliin, Madaxda Shirkadda Dolar Store iyo Marti-sharaf kale.

Mulkiilaha Shirkadda Dolar Store Axmed Cumar Cali, ayaa ugu horrayn hadal ka jeediyay Munaasibadda Furitaanka, waxaanu u mahad-celiyay Masuuliyiinta iyo Marti-sharafka ka soo qayb galay Xafladdaas qaybta cusub lagu furay shalay. Waxaanu sharraxaad ka bixiyay Xaruntan Ganacsi.#

googa“Waxaynu Maanta (shalay) Daah-furaynaa goob Ganacsi oo cusub oo Casri ah oo ka soo jeedda Kambanigan Dolar Store. Goobtan Ganacsi waxaa loogu magac-daray Magac Af-Soomaali ah oo aan runtii muddo raadinayay inaan suuro-geliyo oo mar uun la helo Shirkad Magac Soomaali rasmi ah leh. Intaas ka dib Illaahay wuxuu noo suuro-geliyay inaannu helno Magac Af-Soomaali ah oo aan filayo inay hadda Soomaaliga ka sii dabar-go’ayso oo ah Kalmada la yidhaahdo; ‘GOOGAA’.” Sidaa ayuu yidhi Mulkiilaha Dolar Store Axmed Cumar Cali.

Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga Dollar Store waxa uu sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha ay GOOGAA kaga duwan tahay qaybaha kale ee Dolar Store, waxaanu yidhi; “GOOGAA waa Goob Ganacsi oo u qaabaysan qaabka casriga ah ee maanta dunidu u shaqayso, haddii ay tahay xagga Shaqada, xagga Shaqaalaha iyo Xagga Alaabtaba. Runtii dhinac walba oo ay tahay waxaannu gelinay tacab badan iyo adduun badan si aannu u suurto-gelinno Goob Ganacsi oo Mushtamaca iyo Macaamiishayaduba ku qancaan.”

“Googaa waxay ka kooban tahay qayb Rag iyo qayb Dumar. Waxa halkaas yaalla wixii Rag u baahnaa oo dhan, haddii ay tahay xagga Lebbiska, xagga Dukaamaysiga iyo dhinac walba. Sidoo kalena Baahiyaha Dumarka oo dhan ayaa yaalla oo nooc wal-ba leh.” Sidaa ayuu yidhi Mulkiilaha Shirkadda Ganacsiga ee Dolar Stor Axmed Cumar Cali, waxa uu sheegay inay sidoo kale dhinac shaqo abuurka qayb ka tahay isla markaana ay ka shaqaynayaan illaa 15 dhalinyaro ah badankoodu ka qalin-jabiyay Jaamacaddaha qaarkoodna wali dhigtaan.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo isna ka hadlay Madasha lagu daahfuray Xarunta ganacsi ee GOOGAA ayaa sheegay in Mulkiilaha Shirkadda Dollar Store tusaale u yahay fursadaha ganacsi ee Somaliland ka jira. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu tusaale u yahay dhalin yarada tahriibayso oo dalkooda ka heli lahayd fursado badan.

Maayarka Caasimadda Dalka Jabuuti Mr. Xuseen Cabdillaahi Qayaad, ayaa isna hadal kooban ka jeediyay munaasibadda waxaanu sheegay inuu Somaliland ku arkay waxyaabo badan oo cajab galiyay “ waxyaabo badan oo I cajab galiyay ayaan Hargeysa ku arkay, waxa weeye Rag dhalin yaro ah oo wadankoodii maalgashanaya oo ku kalsoon oo ku qanacsan inay wadankooda wax ka samayn karaan. Tusaalena u ah dhalin yarada tahriibaya ee dalal shisheeya haybsanayana inay dalkooda wax ka soo saari karaan” ayuu yidhi Maayarka Jabuuti.

Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Cabdikariin Axmed Mooge iyo Masuuliyiin kale oo iyana halkaasi hadallo ka jeediyay, ayaa ka marag-kacay dedaalka Mulkiilaha Dollar Store iyo sida ay Xarumaha shirkaddiisu uga qayb qaadanayaan horumarka dalka iyo bilicda Magaalooyinka. Waxayna ugu duceeyeen in Xaruntan kalena noqoto mid Barakaysan oo horumarta.

goooogaaaWasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, ayaa isna ka hadlay ahmiyadda Ganacsigu u leeyahay dalka, isagoo tilmaamay qorsheyaal lagu ilaalinayo Xuquuqda Ganacsiga oo Wasaaraddiisu waddo, waxaanu yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay inaynu maanta halkan u fadhino daahfurka Kambanigan Magaca wanaagsan leh ee Googaa. Anigoo ah wasiirkii ganacsiga waxaan balanqaadayaa inaanu ilaalino Magacaa GOOGAA oo aan Cid kale Qaadan, Rugta Ganacsiguna masuuliyaddaas way leedahay. Waxaanu ballan-qaadaynaa inaanu dhiiri galino Dhalin yarada samaynaysa Meherado leh Magac Soomaali ah. Waxaanannu ballan-qaadaynaa inuu Magaca Meheradi leedahay gaar u ahaan doono oo an cid kale Isticmaali Karin. Haddii GOOGAA halkan laga furay inaan googaa kale oo cid kale leedahay daantaas iyo meel kale toona laga furin ayaanu balanqaadaynaa”.

Gabagabadii ayaa Masuuliyiinta iyo Marti-sharaftii Munaasibaddaasi ka soo qayb-gashay la guddoonsiiyay Haddiyado Shirkaddu ugu talo-gashay, iyadoo sidoo kalena ay soo wada indho-indheeyeen qaybaha Xaruntan Ganacsi sida qaybta Dumarka, Qaybta Ragga iyo Alaabooyinka kala duwan ee yaalla.

Dhinaca kale, Xaflad ballaadhan oo qayb ka ahayd furitaanka Ganacsiga GOOGAA, gaar ahaan Dukaammada Dumarka loogu talo-galay oo la qabtay Xalay, waxa ka qayb-galay Marti-sharaf ka kooban Haweenka sida wayn Macmiisha ugu ah Shirkadda Dollar Store ee qaybtan cusubna mataanaha looga dhigay, kuwaasoo Madasha qof qof loogu guddoonsiiyey Abaalmarinno isugu jira Dhar iyo Udugga Dumarka oo si gaar ah loogu maamuusay.

No comments:

Post a Comment