Thursday, August 28, 2014

Odayaasha Deegaanka Uubaale oo Sheegay inay Maamul ahaan hoos yimaaddaan Hargeysa oo aanay Sallaxley ka tirsanayn

Uubaale, 28 August, 2014 (Himilo)- Cuqaasha Deegaanka Uubaale ee Koonfurta Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in Maamul ahaan Deegaankoodu hoos-tago Hargeysa, dawladdooda hoose-na tahay dawladda hoose ee Ha dawladda hoose ee Caasimadda, ka dib markii muran dhul oo xooggan oo ka dhexeeyey Golayaasha Deegaanka Hargeysa iyo Sallaxlay oo gaadhay inay isku fara-saareen halkaas oo dhinac waliba sheeganayey inuu isagu maamulo.
OLYMPUS DIGITAL CAMERAMuranka Deegaanka Abuule ee u dhexeeyey Hargeysa iyo Sallaxlay, ayaa sababay inay isku faro-saaraan Xildhibaanno ka kala tirsan Golayaasha Deegaanka ee Hargeysa iyo Sallaxlay, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo is-gaadhsiiyeen. Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa dhawaan sheegtay inay soo saartay sharci ay ku kala xadaynayso Degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxlay, si murankaasi meesha uga baxo, taasoo sheegtay in deegaankaas lagu muransan yahay ee Uubaale iyo Nawaaixigiisuba ka tirsan yihiin Degmada Hargeysa ee Caasimadda dalka, Tuulada Toon iyo Nawaaxigeeduna yahay Deegaan ka trisan Degmada Sallexlay.
“Haddii aannu nahay Cuqaasha waxaannu nahay Hay’ad nabadgelyo, Beeshan aannu Cuqaasha u nahayna waa Beel taallay Deegaanka muddo badan dawlado badanna way ku soo mareen, waligeedna waxa laga xukumi jiray Caasimadda Hargeysa, waxaanay lahayd xad u gaar ah, waxaana u xad ahayd meesha la yidhaahdo Mitirka, wax murmaya iyo cid is haysata midna muu jiri jirin, dadka deegaankan deggan-na wax loo qabtay may jirin.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Maxamed Weere Cismaan oo shalay ka hadlay Shir Jaraa’id oo ay Cuqaasha iyo Odayaasha Uubaale ku yeesheen Deegaankaas muddada muranku ka taagnaa.
Waxaanu Caaqil Maxamed Weere intaas ku sii daray oo uu yidhi; “Dhibaatooyin badan baa haysta dadka deegaanka, dadka deegaanka deganna weligood waxa laga xukumi jiray Hargeysa, Bari dhawayd ayuun baa la yidhi; ‘Sallaxley ayaa laydinka xukumaa, shirka ujeeddada aannu u qabanayna waxa weeyaan in dadka deegaankan lagu soo celiyo meesha laga xukumi jiray, waxna loo qabto oo mashaariic badan laga hirgeliyo.”
Murankan Xad ama Deegaan ee u dhexeeyey Golayaasha Deegaanka ee Hargeysa iyo Sallaxlay, ayaa soo baxay markii ay xilka la wareegeen Xildhibaannada Golayaasha hadda xilka haya oo la doortay dabayaaqada sannadkii 2012-kii ka dib, waxaanu murankaas khilaafka ka dhashay gaadhay heer ay Mudanayaasha labada Gole Deegaan gacanta isula tagaan, isla markaana qaarkood dhaawacyo is-gaadhsiiyaan.
Waxaanay Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Degmada Sallaxlay ku doodayeen in Deegaankaasi ka tirsan yahay Sallaxlay, isla markaana Doorashadii Golayaasha Deegaanka e Somaliland ka qabsoontay 2012-kii looga Codeeyey Musharrixiintii Degmada Sallaxlay ee Golaha Deegaanka u tartamay oo ay qaarkood ku soo baxeen ama ku guulaysteen Codkii ay ka heleen Deegaankaas, ay Wasaaradda arrimaha guduhu dhawaan go’aanka ay Hargeysa ku raacisay ka soo saartay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment