Saturday, August 23, 2014

Muxuu Xisbiga WADDANI ka yidhi in Guddoomiye Cirro Dalbaday Muddo-kordhin mar kale loo sameeyo Golaha Wakiillada?

Hargeysa, 23 August, 2014 (Himilo)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka hadlay warar lagu baahiyey warbaahinta dalka oo lagu sheegay in guddoomiyaha xisbigaas ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu dalbaday muddo-kordhin mar kale loo sameeyo Golaha Wakiillada oo wakhtigan muddo-xileedkoodii ku darsaday siddeed sanno oo dheeraad ah.
wadaniXoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo ka hadlayey shir-jaraa’id oo masuuliyiin xisbiga ka tirsan ku qabteen Hargeysa shalay, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin muddo kordhin la sheegay inuu codsaday guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro in loo sameeyo golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu ku dooday inay xisbi ahaan diyaar u yihiin inay doorashooyinku dalka ka dhacaan wakhtiga loo muddeeyey.
“Xisbiga WADDANI wuxuu u taagan yahay in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka wakhtigooda oo aanay dhicin wax muddo kordhin ah hadday tahay ta Baarlamaanka iyo hadday noqoto ta Madaxtooyada,mana jirto meel guddoomiye Cabdiraxmaan ku dalbaday muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada, xildhibaanaduna may codsan warkaana waxba kama jiraan, muddo kordhintii hore ee wakiiladana waxaa sababay xil gudasho la’aan ka timi dhanka Xukuumadda, imikana warkaasi wuxuu u eg yahay kuwii Xukuumadda oo iyada ayuunbaa dhankeeda ku hawlan muddo kordhin, laakiin WADDANI wuxuu diyaar u yahay in aan doorashooyinka midnaba wax muddo kordhin ah loo samayn oo ay xilligooda ku qabsoomaan,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Waddani oo wax laga weydiiyey jiritaanka warka sheegaya muddo-kordhin guddoomiye Cirro ka dalbaday golaha Wakiillada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment