Hargeysa, 24 August, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Muranka Dhul ee kacdoonka iyo xiisadda dagaal ka abuuray Deegaanka Balliga Diirye Guuleed oo 18 KM dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana sheegay inuu laalay go’aammo ay Guddi Wasiirro ah oo Xukuumadda ka tirsani ka soo saareen laba toddobaad ka hor is-haysiga deegaankaas.

Go’aankan Madaxweynaha Somaliland ku laalay qaraarka Wasiirradiisu soo saareen, ayaa yimi Sabtidii shalay, ka dib markii ay isla shalay kulan fool-ka-fool ah wada yeesheen Madaxweynaha iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Cabdalla Arab oo Arbacadii hore Hargeysa u yimi inay la kulmaan Madaxweynaha ka dib markii Madaxweynuhu codsaday inay is-arkaan, waxaana dood badan iyo isu-warran Saacado qaatay oo dhex-maray Madaxweynaha iyo Odayaasha uu Md. Axmed-Siilaanyo ka garaabay tabashada Beesha Cabdalla Arab, sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo ah Xildhibaanka Beeshaas ugu jira Golaha Guurtida Somaliland, inkasta oo aanu kulanka isagu goob-joog ka ahayn, haddana waxa uu sheegay inay Odayaashiisu sidaa warka ku siiyeen.
“Maanta (Shalay) ayay Odayaasha Beesha iyo Madaxweynuhu kulan foolka-fool ah ku yeesheen Madaxtooyada, anigu kulanka maan joogin, haddana sida ay Odayaashu warka igu soo gaadhsiiyeen si fiican bay isu fahmeen Odayaasha iyo Madaxweynuhu, Odayaashu Tabashada Beesha iyo Deegaanka la isku hayo ayay aad ugaga warrameen Madaxweynaha, Madaxweynuhuna si fiican buu noo dhegaystay bay yidhaahdeen, waanu ka garaabay tabashada Beeshu qabtay, waxaanu u sheegay Odayaasha inuu laalay go’aankan kacdoonka keenay ee Guddiga Wasiirrada ahi bishan ka soo saareen Deegaankaas, waxaanu u sheegay in arrintaas xalkeeda uu u gudbinayo dhinaca Golaha Guurtida, iyaguna way ka aqbaleen oo si fiican ayay ugu qanceen.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac-Riyo oo Khadka Taleefanka uu Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo wax kaga weydiiyey natiijada Kulanka Shalay dhex-maray Madaxweynaha iyo Odayaasha Beesha Cabdalla Arab ee uu Xildhibaanka u yahay.
Xildhibaan Jaamac-Riyo oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay in Madaxweynuhu Odayaasha u sheegay wakhti cayiman oo uu arrintaa Guurtida u gudbinayo, ayaa sheegay inaanu jirin wakhti rasmi ah Madaxweynuhu u cayimin inuu arrintaa ugu gudbinayo Golaha Guurtida, hase-yeeshee, waxa uu xusay inay Odayaashu rejaynayaan sidii uu ula hadlay darteen inuu si dhaqso ah ugu gudbin doono.
Waxaa kulanka ku weheliyey Madaxweynaha dhawr Wasiir, halka Odayaasha Beesha Cabdalla Arab-na ay ku weheliyeen Masuuliyiinta Golayaasha dawladda kaga jira Beeshaas, sida Xildhibaanno iyo Xubno kale, waxaana la sheegay inay Odayaasha oo uu hoggaaminayo Suldaanka Beelaha Cabdalla Arab Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac (Fool-gaawe), weji ka duwan kii ay la galeen kala soo baxeen Madaxtooyada.
Beelaha ku muransan Deegaanka Balliga Diiriye Guuleed ee Waqooyiga magaalada Burco, ayaa dhawr jeer halkaas ku murmay magaalaynteeda iyo daaqsin u daynteeda, isla markaana waxay iskaga dileen halkaas dhawr qof, waxaana cid muranka deegaankaas wax ku noqota ugu dambeeyey laba Taliyihii qaybta Millateriga ee gobolka Togdheer iyo Taliyihii dawladda Hoose ee Burco oo ku dhaawacmay dagaalka Beeshu kaga jawaabtay go’aanka Wasiirrada ee Duminta iyo Aasidda ahaa, waxaana iyagana wax kaga noqday hal qof, mid kalena Ciidanka ayaa ka qabtay. Waxaana go’aankan Madaxweynuhu shalay qaatay u muuqdaa mid soo dhawaynaya xal u helidda dhibaatada deegaankaas ka taagan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment