lacag dhan $2,600 dollar ugu yaboohay dhismaha garoonka
Hargeysa, 27 August, 2014 (Himilo)- Maayarka caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay dhagax-dhigay garoonka Kubadda Cagta oo laga dhisayo Xaafadda Macalin Haaruun oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee Bariga magaalada Hargeysa.

Nuur Muuse Shiraaqle oo ka mid ah ganacsatada xaafadda ayaa ugu deeqay Garoonkan kun dollar, halka Cabdi Mataan Xirsi oo ka mid ah odayaasha xaafadda uu isaguna ugu deeqay shan boqol oo Dollar.
Xildhibaan Xasan Shahar oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha deegaanka Caasimadda oo deggen xaafaddaas, ayaa ku yaboohay in saddex boqol oo dollar oo gunaddiisa ah inuu ugu deeqay dhismahan garoonkan, waxaanu dadka xaafaddan ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha garoonkan.
Xildhibaan Maxamed Warsame Caalim (Timacadde) ayaa shacabka ku dhaqan xaafadda Macalin Haaruun ugu baaqay inay dhismaha garoonka uga qayb-qaataan sida ay xaafadaha kale ee magaaladu isaga kaashadaan dhismaha garoomada.
“Dad badan ayaa lahaa garoonkii waa la iibsaday iyo si kale loo isticmaalyaa waxaan leeyahay waakaa saaka (shalay subax) la dhagax dhigay, waxaana loo baahan yahay in dadweynuhuna ka qaybqaataan dhismaha garoonkan oo ah mid aad u ballaadhan, waxaana ugu deeqayaa saddexda boqol ee gunaddayda ah maadaama oo aanan anagu wax mushahar ah ka qaadan dawladda hoose,”ayuuu yidhi Xildhibaan Timacadde.
Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay ka dawlad hoose ahaan qaybtooda dhisi doonaan, waxaanu maayarku qaadhaanka dhismaha garoonka kaga qayb-qaatay qaddar lacageed oo dhan Shan boqol oo Dollar oo uu goobta dhagax-dhigga la samaynayey kaga yaboohay.
“Dhulkan waxaanu ugu talogalay in aanu ka dhigno garoon ay yeelato Macalin Haaruun, waxaanu u ballanqaadayaan in aanu dhisno, isla markaana qaybta u badan ka qaadano, waxaana mushaharkayga ugu deeqay dhismaha garoonka shan boqol oo dollar. Dadweynaha xaafadana waxaan leenahay waa inaad ka qaybqaadaan dhismaha garoonkan weyn oo aanu sugnay dhulkiisa, waxaana ku tallo jirnaa in sida ugu dhakhsiyaha badan u dhisno garoonkan,” ayuu yidhi Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko.
Sidoo kale, Maayarku waxa uu soo kormeeray waddada isku xidhaysa Xaafadda Daami iyo Goljano oo dhismaheedu socdo, waxaanay dadweynihii xaafadahaasi maayarka uga mahad naqeen waddadan laamida ah ee loo sameeyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment