Saturday, August 23, 2014

Dawladda Kenya oo Sharci ka soo saaraysa Saacadaha Dadka dalkeeda ku dhaqani Jaadka Cuni karaan

Nairobi, 23 August, 2014 (Himilo)- Hay’adda dowladda Kenya u qaabbilsan la dagaallanka noocyada Maan-dooriyaha, ayaa sheegtay inay diyaarinayaan sharci lagu xaddidayo cunista Qaadka, iyadoo sheegtay inay dadku cuni karaan laga billaabo 5:00 galabnimo illaa 10:00 fiidnimo, iyadoo qofkii intaa ka badan isticmaala lala tiigsan doono sharciga.
beer (1)Guddoomiyaha Hay’adda la-dagaallanka Maan-dooriyaha Kenya Mohamed Fazul, ayaa qiray in qaadka ay ku jiraan laba maaddo oo Maan-dooriye ah oo si weyn u saameeya Maskaxda qofka, isagoo xusay in waqtiga isticmaalka Qaadka la yareyn doono.
Afhayeenka Guddiga Ganacsatada Qaadka ee Kenya Kimanthi Munjuri, ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in la xakameeyo waqtiga isticmaalka Jaadka, waxaanu sabab uga dhigay in Qaadka laga joojiyay dalka Ingiriiska, iyadoo dadka ku nool ee Soomaalida ah ay si xad-dhaaf ah u isticmaali jireen iyo inaan loo sameyn isticmaalkiisa waqti go’an.
Sidoo kale, Munjuri ayaa sheegay in dadka isticmaala Jaadka ay intooda badan waqti badan ku bixiyaan cunistiisa, isagoo intaas raaciyay in dadkaas qaarkood ay qaadka la isticmaalaan Maan-dooriyayaal kale sida xashiishadda iyo Khamriga.
Xildhibaan Omar Mwinyi oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlmaanka Kenya, ayaa isna sheegay in go’aanka Hay’adda la-dagaallanka Maan-dooriyaha, aanu ahayn mid ku filan ka hor-tagga Qaadka, maaddaama oo uu yahay Jaadku mid dhibaato badan marka loo eego wakhtiga la cuno oo uu lumiyo wakhti iyo dhaqaale, isla markaana halis caafimaad leeyahay, waxaanu soo jeediyey in gebi ahaanba la mamnuuco cunistiisa.
Mudanahani waxa ku dooday in Jaadka ama Qaadku uu burburiyay qoysas badan oo Muslimiin ah, dhibaato xoogganna uu ku hayo Bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiin fara badan oo ku dhaqan gudaha waddanka Kenya, kuwaasoo wakhti badan ku lumiya u fadhiga cunista qaadka, isla markaana ay raacaan Lacagtooda iyo Caafimaadkoodu, sidaa awgeedna loo baahan yahay in guud ahaanba dalka Kenya laga joojiyo isticmaalka cunista Qaadka ama Qayilaadda.
Dalka Soomaaliya oo marka horeba Qaadka looga soo dhoofin jiray Kenya, ayaa tan iyo markii Jaadka Kenya ay joojisay dawladda Ingiriisku, waxa uu u yimaaddaa si xad-dhaaf ah Soomaaliya, iyadoo Qaadka ugu badani yimaaddo magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaasoo qiimihii hore ee lagu iibin jiray hoos uga dhacay, isla markaana ay dadka reer Muqdisho ee Jaadka cuna qaarkood Warbaahinta u sheegeen inay soo dhawaynayaan, kuna faraxsan yihiin qiimaha ay Qaadka ku gadan jireen ama iibsan jireen oo sidii hore ka jabay, halkii Qaad yar lacag badan laga siin jiray-na ay hadda Lacag yar ku heli karaan Jaad badan.
Waxaanay tusaale u tahay tallaabadan ay dawladda Kenya oo ka mid ah dalalka Afrika ee Qaadku aadka ugu baxo, isla markaana dhaqaalaha badani ka soo galo iib-geynta iyo dhoofinta Jaadka ay ku yaranayso wakhtiga ay dadka dalkeeda ku dhaqani cuni karaan Jaadka dadka Soomaalida ah oo iyagu meelkasta oo ay joogaan ka mid ah dadka ugu Jaad cunka badan dunida inay wax-ku-qaataan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment