Mosil:Aug,23,2014(Himilo)-Kooxda Ka dagaallanta Dalalka syria iyo Ciraaq ee Daacish, ayaa soo bandhigtay Wiil aad u da’yar oo ka mid ah ajaanibka ka Barbar dagaallamaya Kooxdaa.

Sawirka Yoonis ayaa ka turjumaya mowqifka uu qaatay iyo marxalada uu ku jiro, wuxuuna cadeeyay inuu yahay dagaalyahan ka Tirsan Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Siiriya.
Wiilkan oo ku dhashay magaaladda Brussels ee xarunta dalka Belgium ayaa jiida dagaalka ugu tagay walaalkiisa Abdelhamid Abaaoud oo ahaa ruuxa u yeedhay canugan yar.
Younes Abaaoud ayaa la rumaysan yahay inuu yahay dagaalyahanka ugu yar shan kun oo ah ajaaniib ka tagtay Qaarada Yurub kana barbar dagaalanta Kooxda xagjirka ah ee ISIS.
Hore looma maqal warka wiilka sidan u da’da yare e kooxdan Gacanta ku Hayso, balse waxa haatan lagu war helay isagoo kor u haya qoriga AK-47-ka loo yaqaanno, waxana uu muujiyey inuu ku faraxsan yahay Hawsha uu ka wada Dalka Ciraaq.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment