Wednesday, August 27, 2014

Hargeysa: Waxyaabaha ku cusbaa Safarka Madaxweyne Siilaanyo kaga soo laabtay Berbera

 

Hargeysa, 27 August, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay dib ugu soo laabtay Caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu soo dhammaystay socdaal kedis ahaa oo uu gelinkii dambe ee Axaddii tobaadkan ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasoo intii uu joogay uu kormeer ku sameeyey goobaha kala duwan ee dawladda qaarkood.
silayoWaxaana Safarkan gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo shalay kaga soo laabtay magaalada Berbera ee uu ku yimi Caasimadda Hargeysa kaga duwanaa Safarradiisii hore Muuqaal ahaan oo aanay dhinac socon Wasiirro tiro badan oo dhinac walba ka ordi jiray, Soo-dhawaynta loo samayn jiray marka uu Hargeysa ku soo laabanayo iyo xubno si gaar ah ugu ladhnaan jiray oo xataa aan la heli jirin Sawir ay ka yar durkeen oo Madaxweynaha laga qaado oo aan agtiisa ka muuqan, ayaa ku cusbaa ku soo noqoshada Hargeysa ee Madaxweynaha.
Sidoo kale, waxaan jirin oo aanu Safarkani lahayn Wararka iyo Sawirrada ay Shaqaalaha Madaxtooyadu ka soo diri jireen Socdaalka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku tago deegaannada dalka gudihiisa iyo Kormeerrada uu sameeyo, balse Safarkani haba-yaraatee ma jirin wax war ah oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay-ba soo-noqoshadiisa iyo markii uu hore ee uu dorraad carraabaha ku galay Berbera.
Madaxweynuhu intii aanu ka iman Berbera waxa uu gelinkii hore ee shalay kormeeray Mashaariic ka socota Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera iyo Xarunta Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland. Waxa uu sidoo kale Isniintii kormeeray Dekadda Berbera oo iyana laga wado Mashaariic horumarineed.
Maareeyaha Haamaha Kedyka Shidaalka Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa Madaxweynaha faahfaahin ka siiyay hawlaha Haamaha Shidaalka, isagoo Madaxweynuhuna dhagax-dhigay Jid Laamay ah oo Haamaha Keydka Shidaalku hirgelinayaan.
“Waxaa Madaxweyne inoo socda 5 Haamood oo aannu ku bixinnay Qandaraas laba kun afar boqol iyo lix iyo sodon Kun oo Doollar ah. Shaqadiina waa taas socota oo shaqaalihii baa gacanta ku haya. Waxaa iyana ka mid ah Waddadii oo aannu Lacagteedii hayno oo lagu dhammaystirayo boqol iyo lix iyo toban kun oo Doollar, waana diyaar waanannu siinnay Qandaraaska Shirkaddii dhisi lahayd.” Sidaa waxa yidhi Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka magaalada Berbera Sheekh Saleebaan oo Madaxweynaha War-bixin siinayey.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa kale oo uu soo kormeeray Xarunta Ciidanka Xeebaha ee ee magaalada Berbera. Waxaanu halkaasi ku soo indho-indheeyay Doomo dheereeya oo Ciidanka ay Xukumaddu u soo iibisay. Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Cismaan oo Madaxweynaha uga warbixinayey taliska waxa uu yidhi; “Doonyahan dhaqaaqooda ayaannu ku tusaynaa Madaxweyne, waa Doonyo dheereeya, waa kuwo meel kasta gaadhi kara iyo xuduudaha Biyaheenna oo dhan, horena umaynaan haysan waxaanay ka mid yihiin wax-qabadka dawladda, maanta ayuun baanannu Ciidan Badeed nahay.”
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku bogaadiyay Mashaariicda ay wadaan Masuuliyiinta Haamaha Keydka Shidaalka iyo Ciidanka Baddu. “Aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa hawlaha aad waddaan, Alle-na ha idinku garab-galo oo ha idinku guuleeyo. Markaa, hawsha halkaas ka sii wada, meel fiicanna waad marinaysaane Alle ha idin la qabto.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal kooban ka jeediyey goobaha uu kormeeray ee magaalada Berbera, waxaanu Madaxweynuhu Duhurnimadii shalay ku soo laabtay Caasimadda Hargeysa oo uu gelinkii dambe ee Axaddii toddobaadkan si kedis ah uga ambabaxay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment