Saturday, August 23, 2014

DARAASAD: Hooyada Uurka leh ee Isticmaasha Bunka badan, waxa ay u badheedhay inay Halis geliso Caafimaad-qabka Ilmaha Caloosheeda ku jira

Daraasad ay dhawaan soo saareen khubaro Ingiriis ah iyo Aqoonyahanno Caalami ah ayaa lagu sheegay in halis caafimaad oo khatar ah hooyada uurka leh kaga iman karto Isticmaalka Bunka, waxaana daraasadan lagu sheegay in laba koob ama in kabadan oo bun ah oo maalinti ay isticmaasho hooyada uurka lihi ay sabababi karto in ilmaha yare e caloosha ku jiraa uu halis ugu jiro in cudurka Kansarku uu ku dhaco marka uu dhasho.
nnnSida lagu baahiyay jariidada Daily Mail ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, xog ururin ay sameeyeen khubaro caalami ah ayaa lagu ogaaday in ubadka hooyooyinkooda ay badsadaan isticmaalka bunka ee ku soo dhashay cudurka kansarku ay kor u kacday 60% marka la barbar dhigo ubadka aan hooyooyinkood badsan isticmaalka bunka
Khubaradan ayaa waxay soo jeediyeen in dawladaha daraasadan lagu sameeyay oo u badan wadamada Yurub ay sameeyaan wacyi galin ballaadhan oo la xidhiidha sidii hooyadu ay uga feejignaan lahayd isticmaalka bunka badan,gaar ahaan wakhtiga ay caloosha ubadka ku sido taas oo ah khatar caafimad o soo kordhaysa korna u qaadaysa in caruur yaryari kuso dhashaan cudurka kansarka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment