Hargeysa (Himilo) Wasaarada wershadaha oo soo qabanqaabisay kulan lagu dhiiri galinayo wershadleyda Somaliland oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa ka furmay magaalada hargeysa.
Wasiirka wershadaha Abiib Diiriye Nuur ayaa furitaankii kulankaasi ka hadlay ka warbixiyey ujeedada iyo ahmiyada kulankani leeyahay waxaanu yidhi:- “Kulankan Ujeedadiisu waxa weeyi, Wasaaradu iyada oo Fahan san qiimaha uu leeyahay Wada tashigu ayey markii Seddexaad soo abaabushay Dood Cilmiyeedkan oo ka heer sareeya kuwii hore, kuna wajahan in dalka la ogaado wixii la warshadayn karo, sababtoo ah inaga dalkeena waad ka war haysaan oo waa dal yar oo aan wax dhaqaalo ah lahayn oo aan isku filnayn yacnii inaga uunbaa isku tashanay ee cid wax ina siisay iyo cid wax ina tartay oo kale ma jirto, waxaynu ku nool nahayn waa inta yar ee dalkeena ka soo baxda, markaa awood uma lihin inaynu Warshado waawayn samayno”
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay xaalada wershadleyda dalka waxaanu yidhi:- “waxaan u mahad naqayaa wershadleyda dalka oo aanay cidi caawin markaanu ugu badino siminaar ayaanu u qabanaa oo wixii aanu talo iyo arrin moodno ayaanu ku biirinaa, wershadleyda in la kabo ayaa waajib ah oo ay dawladu kabto oo la hareero joogo oo la dhiirigaliyo oo Walxaha qaydhiin ee ay keenayaan Cashuur dhaaf looga dhigo, waxan oo dhami ma jiraan ee iyaga ayuunbaa isku tashada oo intii karaankooda ah wax wad wada aad baanan ugu hambalyeynayaa meel wanaagsana way marayaan, wanaag iyo walaal tinimo-na way naga dhaxaysaa, iyagoo duruufta dalka ku xisaabtamaya waxa mashaakil ah nooma gaystaan ee iyaga uunbaa isku tashada ”
Wasiirka Warshaduhu wax kale oo uu sheegay in aanay jirin Dhul banana oo laga dhisi karo hadii loo baahdo warshado Cusub waxaanu yidhi “waad og tihiin oo dawlada gacanta uguma jiro dhulkeeno hadii maanta la inoo yimaado oo la yidhaahdo warshada ugu waynbaanu ka dhisaynaa Somaliland ee dhulkeena dee ma hayno dhulkii dadbaa ootay oo wada leh KM banana ma helaysid , taasina waa mushkilad sideeda u jirta markaa waxaanu u fikirnay dhul iibsada Wasaarada Qorshayntaanu wada wadnaa, meelahaa miyiga ee iska jaban inaanu iibsano oo ay wasaaradu diyaariso, Warshaduhuna Horu marinta Dalka Door wayn bay ka ciyaaraan” ayuu yidhi wasiirku
Dhinaca kalena Guddoomiyaha Wershadleyda oo ka hadlay furitaanka kulankani lagu dhiirigalinayo wershadleyda Somaliland ayaa sheegay inuu faa’iido weyn u leeyahay wershadleyda isla markaana muddada uu socdona isku weydaarsan doonaan aqoonta iyo xogo muhiim ah oo ku aadan wershadaha dalka Somaliland iyo wax soo-saarkoodaba.
Gabogabadii kulankani waxa kale oo ka hadlay masuuliyiin door ah oo xog waramay ahmiyada kulankani leeyahay iyo kaalinta wershadleydu kaga jirto horumarka dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment