Saturday, August 23, 2014

Tirada Dad Qaniinyada Maska ugu dhintay Deegaanka Boon iyo Inta ugu dhaawacantay

 

Boon, 23 August, 2014 (Himilo)- Laba qof ayaa ku geeriyootay, 14 Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen Qaniinyo, ka dib markii ay labadii toddobaad ee u dambeeyey Masas ku qaniineen Deegaanka Boon oo ka tirsan gobolka Selel, isla markaana ku dhereran Buuralayda Xeebta Deegaanka Saylac.
xariiradLabada Qof ee Qaniinyada Maska u geeriyooday waxay kala ahaayeen Haweenay 45 Jir ah iyo Nin 59 jir ah, waxaanu Masku qaniinay xilliyo Habeen ah oo uu Masku qaniinay iyaga oo jiifa ama Hurda, waxaanay Masasku dadka inta badan ka weerarayaan ama ka abbaarayaan Gacmaha xilliga ay Dadku Habeenkii Hurdaan ee ay Gacmohooda Barkadaan. Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in wakhtigan Kulayl iyo Roob la’aan ka jirta deegaankaasi ay qayb ka tahay Sababta keentay in Masasku ka soo baxaan godadka ay ku jireen marka hore.
Masaska ayay dadka Deegaanku ku sheegeen noocyo ay u kala yaqaannaan Kubra-yare iyo Abees-Gaab. Axmed Cabdi waxa uu ka mid yahay dadka uu Masku ku qaniinay Deegaanka Boon, inkasta oo uu isaga oo socda qaniinay, waxaanu isagoo Radio Hirad uga warramaya sidii Masku u qaniinay iyo wixii uu dareemay ama sidii uu noqday uu yidhi; “Anigoo socoto ah oo guuragalaya Habeennimad ayuun baan bahalka ku dul-dhacay, markaa Qaniinyo ayuu igu dhuftay, Innamo aan la socday ayaa i qabtay oo iga xidhay Lugta oo uu iga qaniinay Kuraanta agteeda. Markaa, nimankaas ayaa Illaahay ii bixiyey ee la ima arkeen, markii uu i qaniinay ayaa Miyir iigu dambaysay, Qaniinyada markii uu qac igu siiyey baan dareemay, markii iigu horreysayna way ahayd, markaa Kabuubyo iyo Dawakhaad badan baan dareemay.”
Abiib Axmed waxa uu muddo ka badan Afartan sano ku noolaa Degmada Boon, waxaanu mar uu la hadlay Idaacadda Hirad, waxa uu arrintan ku tilmaamay inay tahay mid nooceedu ku cusub yahay Deegaanka Boon, waxaanu sheegay dadka Masku qaniinay ee labaataneeyada ku dhaw inay u badan yihiin da’da u dhaxaysa afartan jir illaa lixdan jir.
Dadka Xawayaanka Masku qaniinyada ku dhaawacay oo qaarkood meelo degmada Boon ka baxsanaa ku sugnaa marka Masku qaniinay, ayaa la keenay xarun Caafimaad oo ku taalla gudaha Tuulada Boon si halkaas loogu daweeyo, sida uu ku warramay Madaxa Xaruntaas Caafimaad.
“Walaal waxaan u dawaynaa qaab ku salaysan awoodda aannu leenahay xarun ahaan ee aannu kaga jawaabi karno xanuunka uu dadka ku keenay Masku, iyadoo loo qiimaynaya xaaladda uu qofku ku sugan yahay. Waxaannu siinnaa dawo awooddeedu tahay inay suntana ka badhaxdo, garaaca Wadnahana kor u soo qaadda. Waxa kale oo aannu siinnaa dawooyinka xumad-jebinta ah iyo kuwa garaaca yareeya sida Ambasaliin Kabsoon oo kale iyo dawooyinka kale ee aannu heli karno ee wax u qaban kara.” Sidaa waxa yidhi Madaxa Xarunta Caafimaadka ee Boon oo lagu magacaabo Cabdiqani, isla markaana ka warramayey siday wax ugu qabtaan dadka Masku qaniinay ee la soo gaadhsiiyey xaruntaas.
Mar uu Madax Xarunta Caafimaadka Boon oo wax laga weydiiyey inay jiraan Dawo dhaqameedyo ay dadka qaar aamminsan yihiin inay wax ka tarto Qaniinyada Maska ama suntiisa, ayaa sheegay inay jiraan dad isticmaala Buuriga iyo Dhagax laga keeno dhinaca waddanka Kenya oo la saaro meesha uu Masku qofka ka qaniino, isla markaana Sunta Masku ku reebay soo nuugu karta ama soo nuugta, inkasta oo aan dawo ahaan loo isticmaali Karin.
Dadka deegaanka qaarkood, ayaa sheegay inay jiraan dad Masku qaniinay oo ay u suurageli weyday inay soo gaadhaan goobta Caafimaadka ee Magaalada Boon, xaaladdooda caafimaad o culus iyo Mastaafaha ah magaalada u jiraan oo durugsan awgood. Iyada oo aanay dawada ay dadku ka heli karaan goobtaas caafimaadna tahay mid kooban oo aan badnayn sida uu xaqiijiyey Madaxa xarunta Caafimaad ee Boon Cabdirisaaq, isla markaana ay gabaabsi ku tahay dawooyinka ay kula tacaalayeen xaaladda dadka Masku qaniinay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment