Heshiiska Xabad joojinta ay gaadheen Xamaas iyo Israel ayaa u muuqata inay hakad galinayso dagaalka iyo duqayntii socotay 50-kii maalmood ee la soo dhaafay ee ay ku dhinteen kumanaan reer falastiin ah.Dowlada Masar ayaa dhexdhexaadisay heshiiska ay wada gaadheen Israel iyo Ururka Xamaas ,Yahuuda ayaana ogolaatay inay dabciso cunaqabatayntii saarnayd Gaza.
Israel ayaa balan qaaday inay ogolaan doonto gaadiidka sida gargaarka iyo qalabka dhismaha u ogolaan doonto inay galaan gudaha marinka Gaza.
Heshiiskan ayaa waxaa ka mid ah qodobadiisa in labada dhinac ay wada-hadallo dheeraad ah isugu soo noqdaan bil gudaheed, iyadoo la hadal hayo in dhawaan Qaza loo samayn doono Deked cusub oo ay falastiiniyiintu gacanta ku Hayn donaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment