Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi waxa uu sheegay in aanay waxba u kala qarsoonayn bulshada Somaliland, cid kasta oo ku shaqo-leh hawlaha tahriibkana oo dalka u dhalatay la ogyahay haybtiisa iyo deegaankiisa, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay dadkaas ka qaaddo tallaabo lagu cashar-qaato oo bulshada ka xakamaysa aafada Tahriibta.

Ugu horeyn Suldaanka oo ka hadlayey dhibaatada tahriibta oo uu shacabka iyo xukuumadda ugu baaqay gacan bir ah in lagaga hortago, waxa uu yidhi, “Waa inay ka qaadaan tallaabooyin Cad-cad oo lagu soo afjarayo arrimaha Tahriibka, waayo waynu awoodi karaynaa, dad is-wada yaqaanna oo kursi ku wada-fadhiya ayaynu nahay, qof waliba wuxuu ka shaqeeyo waa la yaqaannaa. Qofka waxaas lagu tuhmo iyo gaadiidka lagu tuhmo waa inay xukuumaddu tallaabooyin cad-cad oo aanay ka soo waaqsanaynin oo tusaale u noqon doona qofka dambe ee xataa waxaas u soo hungurooda oo uu garto inuu meel khatar ah u foof-tagaayo.”
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan waxa kale oo uu ka hadlay diyaar-garowga doorashooyinka iyo sidoo kale muddo-dhammaadka guddiga doorashooyinka, waxaanu ka digay khilaaf hore leh oo xurgufta siyaasadeed ee mucaaradka iyo xukuumaddu ka dhex-abuuraan shacabka. “Komishanka Qaranka wakhtigiisu markuu dhammaado, waxay ka iman yihiin hay’ado soo magacaaba, haddii wax laga tabanayo baarlamaanbaa jira oo ay tahay masuuliyaddiisa in mashruuc sharci la soo sameeyo, haddii xeerkii hore wax laga beddelayo iyo haddii kaleba. Wax bisil inaan doorashooyinkaas ku gaadhno ayaa muhiim ah. Haddiibase iyada oo timaha sidaas laysku jiidanayo lagu gaadho, diiwaan-gelintuna aanay diyaar ahayn, shacbigu cidna ka aqbali maayo fawdo, shacbigan masaakiinta ah ee Illaahay marka horeba u gar-gaarayey, nin qooqan oo doobinaya ka aqbali maayo; ku sharci-darraan ku haysanayaa yidhaahda iyo ku sharci-darraan ku qabsanayaa midna shacbigani waa ka il-baxay. Nin waliba awdaalladiisa, shaqooyinkiisa iyo qoyskiisa ayuu ka fekerayaa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan oo u warramay Radio Hilaac.
Suldaanku oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Caqliyadbaa hoggaanka lagu ogaa hadduu mid soo socda yahay ama mid jooga yahayba. Caqliyadda lagu ogaa waxay ahayd, waxay umadda u samaynayeen gidaar aan la dhaafi karayn. Waxaanu arkaynaa inaan wax horumar ah laga gaadhayn xaggii siyaasaddii. Muranka ma-dhalayska ahi waxba ma taro, nidaamka dawladeed ayaa wax-tar leh. Hadduu mucaaradku yidhaahdo halkaasaanu wax ka tabanaynaa, waxaasi cidday ku arooraysaa waa inay ka shaqaysaa hadday xeer-dejinta tahay. Xukuumadda laftigeedu iyadaa ugu war-war badan oo dalku bilaa dawlad ku dhici maayee, waxa loo baahan yahay inay iyadu fududayso,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.
Himilomedia.com
Hargeysa/Somaliland
No comments:
Post a Comment