Wednesday, August 27, 2014

Dawladda Iiraan oo soo Bandhigtay Burburka Diyaarad ay leedahay Israa’iil oo la soo riday

Tehran, 27 August, 2014 (Himilo)- Dawladda Iran, ayaa soo bandhigtay burburka diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo dawladda Israa’iil leedahay, taas oo hawl-galo basaasnimo ka fulinaysay Xarun lagu farsameeyo quwadda Nukliyeerka oo ku taala Koonfurta dalkaas.
Ciidamada Ilaalada Jamhuuriyaga ee dalka Iran, ayaa todobaadkan burburiyey diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn (Drone) oo dul-haadaysay dhulka buuraleyda ee Koonfurta dalkaas oo ay ku taalo wershadda Natanz oo lagu farsameeyo quwadda Nukliyeerka, taas oo 150KM dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda dalkaas ee Tehran.
Muuqaallo lagu baahiyey telefishanka Press TV oo laga leeyahay dalka Iran, ayaa muujinaya burburka diyaaradda oo la aaminsan yahay in laga soo hawl-galiyey mid ka mid ah waddamada ay saaxiibka yihiin dawladda Yuhuudda oo ay xuduud wadaagaan dalka Iran.
diyaaradMuuqaalka diyaaradda la soo riday oo nooceedu yahay Hermes 450, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dawladda Israa’iil kala xaajoonayso Quwadaha Adduunka barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo in lagu cadaadiyo madaxweyne Xasan Rooxaani joojinta tayeynta Nukliyeerka ka hor inta aanay samaysan hub nukliyeer ah.
Afhayeen u hadlay Ciidamada awoodda badan ee ilaalada Kacaan Iran, ayaa Axaddii todobaadkan sheegay inay gantaal ku rideen diyaarad aan duuliye lahayd oo ku dhawaatay xarunta Natanz oo lagu horumariyo macdanta Uranium oo sameeyo hubka Nukliyeerka.
Afhayeenka oo lagu magacaabo Ramazan Sharif, waxa uu sheegay inay la socdeen diyaaradda markii ay soo gashay Hawadooda sare isla markaana ay u ogolaadeen inay gudaha dalkooda u gudubto si ay u ogaadana meesha hawl-galkeedu ku aaddan yahay.
Taliyaha ciidamada Cirka ee Ilaalada Kacaanka Jeneral Amir Cali Hajizadeh oo maalintii Isniinta ee todobaadkan ka hadlay guusha ay ka gaadheen fashilinta hawl-galka diyaaradda, ayaa sheegay inay dawladda Israiil leedahay diyaaradda, balse lagu hawl-galkeeda laga soo abaabuley meel kale.
“Fogaanta loogu talo-galay inay hawl-galllada ka fuliso, waxay noo muujisay inaanay duulimaadkeedu ka iman Israel, balse ay ka soo kacday waddan ku yaala gobolka, caddaymo ayaanu haynaa,” ayuu yidhi Jeneral Amir Cali.
Iran waxa ay sheegtay in diyaaradda lagu rakibay walxaha qarxaha oo wakhti lagu buuxiyey balse ay demiyeen ka hor intii aanay la beegsan gantaalaha ridda dhexe oo burburiyey diyaaradda.
In kasta oo waddamada reer Galbeedka shaki weyn ka qabaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran inuu yahay mid lagu horumarinayo hub nukliyeer ah oo ay samaystaan, haddana madaxda dalka Iran dhowr jeer ayay beeniyeen eedayntaas, iyaga oo ku dooday in qorshaha horumarinta quwadda nukliyeer uu yahay mid uga faa’idaysanayaan quwadda korontada iyo cilmi-baadhista caafimaadka.
Haseyeeshee, dawladda Israa’iil, ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabtay inay weerar ku qaadi doonto xarumaha lagu horumariyo quwadda Nukliyeerka ee Iran.
Dawladda Israel ilaa immika kama hadal eedaymahan, laakiin waxa la ogyahay in dawladda Yuhuuddu ay qayb laxaad leh ka qaadatay weerar dhinaca khadka Internetka ah oo lagu qaaday xarunta Natanz ee tayeynta quwadda Nukliyeerka ee Iran, taas oo sannadkii 2010 waxyeello ka soo gaadhay Virus lagu magacaabo Stuxnet oo lala beegsaday kombuyuuterrada xarunta, taas oo hakisay hawlihii shaqo ee xarunta ka socotay.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment