Sunday, August 24, 2014

Madaxweyne Silaanyo Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa guddoomiyaha Gobolka Xaysimo u magacaabay Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir).
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa lagu cadeeyey magacaabista masuulkan cusub waxaanu u dhignaa sidan:-
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/M/XERM/249-2670/082014 ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda
Somaliland;
Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin
dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada
Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;
Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment