Wednesday, August 27, 2014

Ciidamada AMISOM Oo la Sheegay Inaanay Sanadka 2016-ka Ka Bixi Doonin Somalia

Addis Ababa:Aug,27,2014(Himilo)-War uu dhawaan Baahiyey wargeyska New Vission oo sheegayey in Ciidamada AMISOM sanadka 2016-ka baxayaan somalia ayaa waxa beeniyey Ku xigeenka wakiilka gaar ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende.

ereaWaxay sheegtay in hadalkaasi aanay jeedin iyadu, laakiin hadal ay sheegtay si qaldan loo tarjumay kadib wareysi ay siisay wargeyskaThe Observer ee kasoo baxa isla dalka Uganda, sida wargeyska uu baahiyay.“Aniga sidaa maanan odhan “AMISOM 2016 wey baxeysaa”, laakiin wargeyska New Vision ayaa aniga igu xusay qoraalka”ayay tidhi Ku xigeenka wakiilka gaar ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende.

Waxay sidoo kale sheegtay inay sharaxaad ka bixinaysay baarlamaanka Soomaaliya iyo dhismaha dowlada federaalka Soomaaliya sidii ay ku gaadhi laheyd doorasho xor ah sanadka 2016, laakiin si qaldan loo tarjumay.

Mar la weydiiyay su’aal ku aadaneyd waqtiga tasmiga ee ciidamada AMISOM ay qorsheynayaan inay isaga baxaan dalka Soomaaliya ayay ku jawaabtay:-

“Mararka qaar way igu adag tahay inaan su’aashaa ka jawaabo, sababtoo ah waad og tahay wali Alshabaab kama adkaan, mana dhihi kartid “Beri ayaan baxaynaa”, sidaasi daraadeed waan sii wadeynaa howlgalka caawinta Soomaaliya”ayay markale tidhi Lydia Wanyota.

“Marka Alshabaab aysan la dagaalami karin dowlada lagana adkaado, maalintaasi ayaa la qaadan karaa go’aanka”ayay hadalkeeda kusii dartay.

Dhanka kale haweenaydan ayaa ka hadashay hadalkii dhawaan kasoo baxay ciidamada Uganda oo ahaa in muddo lix bilood ah aanay qaadan wax mushaharaad ah, iyadoo sheegtay inuu jiro dib u dhac ku aadan lacagaha ka imanayay wadamada taageera howlhalada ayna ka wada sinaayeen ciidamada AMISOM oo dhan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment