Xarunta Wargeyska Hubaal, ayaa muddo 283 habeen ku siman Xarun u ahayd Ciidamo boolis ah oo saldhig ka dhigtay maalintii ay Maxkamaddu xayiraadda saartay oo ku beegnayd 12/12/2013-kii.
Sida lagu sheegay go’aan shalay ka soo baxay Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Faysal Cabdilaahi Ismaacil (Faysal Dhego-dhego) oo hore xayiray, go’aanka lagu xayiraadda lagaga qaaday Wargeyska Hubaal, ayaa ka dambeeyey ka dib markii Xeer-ilaalinta iyo Taliska Boolisku ay dhammaystiri waayeen dacwadda lagu haystay Wargeyska sababo aan la shaacin awgeed.
Wargeyska Hubaal ayaa xayiraad kasoo Baxday Maxkamadda Gobolka Hargeysa la saaray 13-kii BIshii December ee Sanadkii dhmaaday ee 2013-ka, waxana Muddadaas Sagaalka Bilood iyo dheeraad ah ee uu xayirnaa aan wali la arag wax dembi ah oo cidi kusoo oogtay, waxase laga bilaabo maalintii shalay Wargeyska si buuxda Looga qaaday xayiraaddii muddada dheer saarnayd.

“Go’aankan uu qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil ayaa mid ay Soo dhaweynayaan Hoggaanka sare ee Wargeyska Hubaal, isla-markaana ah Hiil taariikhda Galay oo uu Siiyey Bahda Wargeyska Hubaal oo in Badan hore wax uga tirsatay Bahda Garsoorka,” ayuu intaas ku daray Mr Keef-keef.
“Guddoomiye Faysal oo isagu in badan isku dayey in si degdeg ah Maxkamadda loo horkeeno kiisaska wargeyska Lagu Haysto, waxa uu ugu dambayntii Go’aan Geesinimo leh ku Gaadhay inaan lasii eegan Karin xayiraad aan dhamaad lahayn oo saaran Meherad ganacsi oo sharci ah, taas oo diyaar u ah in lagu qaado dambiga loo Haysto Haddii jiroba,” ayaa lagu sheegay qoraalka Maamulka iyo Tifaftiraha Hubaal.
Xarunta Wargeyska Hubaal oo ku taalla Xaafadda Goljanno ee Magaalada Hargeysa, ayaa intaas xayiraaddu saarnayd waxa ay saldhig u ahayd Tiro ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland, waxan Masuuliyiinta wargeysku muddadaas Geed dheer iyo Mid gaabanba u fuushanaayeen sidii loo qaadi lahaa Xayiraadda, maadaama oo aanay jirin cid muddici ku ah wargeyska oo si toos ah dacwad ugu haysataa.
No comments:
Post a Comment