Inkasta oo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) Waraysi uu la yeeshay Wargeyska Himilo Khamiistii inna dhaaftay uu ku sheegay inay Xukuumad ahaan shaki weyn ka qabaan shirkaas qaban-qaabadiisu socoto ee lagu qabanayo Xiin-galool, isla markaana ay dhici karto inuu shabbihi karo Shirkii horraantii bishan lagu qabtay Deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool oo ay Kooxda la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ugu doorteen Madaxweyne, haddana waxa uu Wasiir Cadami ku dooday inaanu shirkani dhinacna uga eegaan karin shirkaas Khaatumo.

Waxaanu Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhi; “Wakhti dhaw ayuu soo dhammaystirmayaa shirkaasi, wakhti dhaw ayaanu shirku bilaabmayaa oo la soo saarayaa shirka si ay meesha uga baxaan wararka ku tidhi-ku-teenka ah ee la wado Anigu intaan ogahay wax cabsi ah oo aannu shirkaas ka qabnaa ma jirto, halka lagu dhereriyey ee fog ee Khaatumo waxaan odhan lahaa dadka ha maqashiinnina magacyadaas maba yaqaannaane.”
“Shirkaasi waa Shir Dhaqameed wixii Beeshaas horumar ah ee ay tabanayaan ayey ka shaqaynayaan, wixii ka soo baxaana waa wax danahooda gaarka ah. Laakiin, wax la xidhiidha Maamul madax-bannaan oo ay samaysanayaan oo u gaar ah ma ogi, waxaanan is leeyahay cid iiga war roon Shirkaasi inaanay jirin, warkaasina ma jiro.” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland.
Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu ku dooday inuu Masuul ka yahay waxa uu ku hadlay, waxaanu yidhi; “Waxaan ku celinayaa inaanu shirkaasi wax xidhiidha la lahayn ajandihii Khaatumo, waana Beel gooniya oo taladeeda iyo tabaabushaheeduba u gaar yahay, cid cid kale ku xidhanina ma jirto, ajande cidi u gudbinayso oo ay qaadanayaanna ma jirto, hadal-hayn la hayo Khaatumo iyo wixii ka soo baxay iyo wax u eegi toona ma jiraan, kamana soo baxayaan. Markaa, waxaamnu leenahay yeynaan ku cel-celin Shirkan iyo wixii ka soo baxayaa waxay u eg yihiin kii Khaatumo, iyadaaba sidii looga bixi lahaa iyo dawadeedii lagu jiraaye.”
“Yaynaan cudur cusub oo kuwa hadda caalamka ka dhacaya ee maalinna la leeyahay Afrikada Galbeed buu ka dhacayaa maalinn Afrikada Bariga, saadaashaa xun hallaga saaro meesha, hana la is aammino, shirkuna berriba wuu dhammaanayaa, waxaan masuul ka ahay waxa aan ku hadlay, illaa haddana aanan ka been-sheegaynin, markeeda horena anigu khabiir kuma ihi Mashruucyada la ydihaahdo dawladdaa lagu ruxruxanayaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu sheegay in Masuuliyiin Golayaasha dawladda Somaliland ka tirsan oo ka soo jeeda Beesha Bariga Sanaag oo uu isagu ugu horreeyaa inay ka qaybgeli doonaan shirkaasi marka uu furmo haddii ILLAAHAY yidhaahdo.
Warkan Wasiir Cadami bixiyey iyo warka uu Khamiistii bixiyey Wasiir Buureed, ayaa ah laba war oo iska soo hor-jeeda, isla markaana midba dhinac taagan yahay, waxaana warka Wasiirka Kalluumaysigu muujinayey shakiga iyo walaaca xooggan ee ay ka qabaan shirkaas qaban-qaabadiisu socoto, isla markaana uu xusay inaanay ajandihiisaba fahansanayn kana hawlgaleen sidii aanay Madaxda Dhaqanku uga qaybgaleen shirkaas oo uu ku dooday in Qurbo-joog Beesha ka dhashay wadaan, halka uu Wasiir Cadami kaga dooday inaanu shirkaasi shaki ay ka qabaan jirin, siyaasadna aanu shaqo ku lahayn, waxaana labadaa hadal kala caddayn doona waxa ay noqoto natiijada rasmiga ah ee ka soo baxa Shirkaas oo lagu wado inuu maalmaha innagu soo fool-leh ka furmo Xiin-galool oo 40-KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Badhan.
No comments:
Post a Comment