Tuesday, August 26, 2014

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Somalia Oo Ka Fikiraysa Inay Xasan Daahir Aweys Dil Ku Xukunto

Muqdisho:Aug,26,2014(Himilo)-Warar ku dhaw dhaw Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee somalia, ayaa sheegaya in laga Fikirayo Xukunkii Lagu qaadi Lahaa sheikh Xasan Dahir Aweys ooh ore u ahaan jirey HOggaamiyihii Ururkii Burburay ee Xisbul Islaam.

xasan daahirWararka ayaa intaas ku daraya in Dawacdo tiro dhaaf ah oo ay soo qorteen dad dhibaato dilala ka mid yihiin ka tiranaya sheikh Xasan Daahir buux dhaafiyeen Xarunta Maxkamadda, isla-markaana ay maxkamaddu doonayso inay dhawaan gudo gasho Dawcadahaas, taas oo ay dhici karto in xukun dil ahi kasoo bixi karo.

Waxaa lagu muran san yahay in Xassan Dahir la mariyo wadadii ay mareen dhalinyaradii ka tirsanaa Alshabaab ee maalmahaani ay Maxkamadu dilalka ku fulineysay, halka Beesha Xassan Dahir ay qabto inaan la xukumi Karin wadaadka haddii ay dhacdana ay ka bixin doonaan Jawaab.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa la filayaa in loo gudbin doono kiisaska la xidhiidha Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam Xassan Dahir Aweys, waxa ayna wararku sheegayaan in DF ay gacanta ku heyso in kabadan 400 Kiisas la xidhiidha Xassan Dahir.

Lama Oga sida ay Dowladu ka yeeli doonto Arrinta Xassan Dahir oo la hadal hayo in lasoo taagayo Maxkamada, iyadoona ay Arrintaasi ay ka arinsanayaan DF iyo Beesha Xassan uu kasoo jeedo.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment