Wednesday, August 27, 2014

Diyaarado ay Saaran yihiin Wufuud Muqdisho Uga Soo Hangagaaray Caleemo-saarka Cali Khaliif Oo Maanta Kasoo Degay Buhodle iyo Somaliland Oo Aan Wali Tallaabo Qaadin

Buhodle:Aug,27,2014(Himilo)-Magaalada Buhodle ee Gobolka Buhodle, ayaa ilaa iyo maanta waxa kasoo degayey Tiro diyaarado ah oo aan hore u iman jirin, kuwaas oo ay saaran yihiin Waftiyo iyo waxgarad meelo kala duwan ka yimi oo u socda Caleemo-saar la sheegay in loo qabanayo Cali Khaliif oo dhawaan sheegay inuu Hoggaamin doono Kooxda KHaatumo.

buhoSida ay sheegayaan wararka halkaas ka imanayaa wufuuddan ayaa qaarkood ka yimaaddeen dhinaca Magaalada Muqdisho, halka qaar kalena ka yimaaddeen Gobollo kale oo Somalia ka mid ah, waxana shacabka Halkaas deggeni usoo daawasho tageen Diyaaradahan kasoo degay Garoonka oo dhawaan shacabku gacantooda ku dhisteen.

Masuuliyiintii soo degay ayaa Loo Gelbiyay Magaalada Buuhoodle Iyago Halkaasi Joogi Doona Ila Xaflada Caleemo Saarku Dhacayo.

Geesta Kalena Xukummada Somaliland ayaan waxba ka Ogayn Hawada Somaliland oo Marba Diyaarado Ka Soo Degayaan Taleex Marna Buuhoodle Iyado ay Hadda Ka soo degeen Siyaasiin Ka Tirsan Dowlada Moqadisho ee Somalia Iyago Maanta Ku Sugan Qayb Ka Mid ah Gobolka Buuhoodle, Waxaana Hore Uga Soo Degtay Madaarka Taleex Diyaarad Ka soo Kictintay Moqadisho oo Hub iyo Saanad Military Saaranyahay.

Ciidamada qaranka Somaliland ayaa maalinti shalay dhirbaaxo xooggan ku dhuftay maleeshiyada khaatumo oo ku sugnayd deegaanka Saax-dheer, waxana la sugayaa tallaabada xukuumaddu qaadato haddiiba ay dhacdo in caleemo-saarka cali Khaliif uu ka dhaco Buuhoodle Gudihiisa.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment