Wednesday, August 27, 2014

Xamaas oo Shaaciyey Heshiis Xabbad-joojin dhammeystiran ah oo ay la gaadheen Israa’iil iyo Waxa ay ku beddesheen

Qaahira, 27 August, 2014 (Himilo)- Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Ururrada Xamaas iyo Islamic Jihad ee ka dagaalama Marinka Gaza, ayaa shaaca ka qaaday in ay dawladda Israa’iil heshiis kula galeen joojinta dagaalka labada bilood ka socday marinka Gaza oo galaaftay nolosha in ka badan 2,000 oo Falastiiniyiin ah.
Ziad Nakhala oo ka tirsan Kooxda Islamic Jihad, ayaa sheegay inay la gaadhay Heshiis habbad-joojin ah oo soo afjaraya dagaalka Gaza, isla markaana ay dhinaca Israa’iil kaga beddesheen in qayb ahaan laga qaado cuna-qabatayn saaran Gaza si loo helo goobo loo soo mariyo dadka qaxoontiga ah gar-gaarka hay’adaha iyo qalabka dhismaha.
Waxa uu sarkaalkani sheegay in muddo bil gudaheed ah loo ballaamay wada-hadallo xambaarsan qodobbo miisaan culus oo ay ka mid yihiin dhismaha madaar iyo deked loo sameeyo Qaza, kuwaas oo ka mid ah shuruudo ay kooxda Xamaas ku xidhaysay tiroba dhowr jeer oo wada-hadallo uga bilaabmeen labada dhinac magaalada Qaahira ee dalka Masar.
article-2734438-20CD105300000578-400_634x422Sidoo kale, sarkaal ka tirsan Xamaas oo codsaday inaan magaciisa la xusin, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey jiritaanka heshiiska xabbad-joojinta ah ee dhexmaray Gaza iyo Israa’iil.
Dawladda Masar oo tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay bishii 8-dii bishii July waan-waan ka dhex-wadday labada dhinac, ayaa ka shaqaysay heshiiska cusub oo la qorsheeyey in la shaaciyo maalinta Khamiista. Balse ma jirto war arrintan ku saabsan oo laga xaqiiyey dhinaca dawladda Yuhuudda.
Haddii si rasmi ah loo xaqiiyo heshiiska lagu gaadhay xabbad-joojintan, waxa loo malaynayaa inay kooxda Xamaas qaadatay go’aaan la mid ah heshiiskii lagu soo af-jaray dagaal muddo todobaad ah u dhexeeyay Israa’iil sannadkii 2012-kii.
Shaacinta heshiiska ayaa ku soo beegantay wax yar ka dib markii ay ciidamada Israa’iil shalay subaxnimadii ay duqeyn u geysteen laba dhisme oo midkiiba 15 dabaq ka koobnaa, kuwaas oo hoy u ahaa qoysas badan iyo meherado ganacsi. Dhismayaasha ay diyaaradaha Israa’iil shalay bar-tilmaameedsadeen waxa ka mid ah dhismaha Al-Basha Tower oo ka kooban 15 dabaq, kaas oo gebi ahaantiisa dhulka lala simay isla markaana dhaawacyo soo gaadhsiiyey dhimeyaal kale oo dhinacyada kaga yaalla, haseyeeshee ma jirto cid ku dhimatay weerarkaas iyada oo dadkii ku jiray hore uga baxeen. Waxa ku dhaawacmay 25 qof oo ku jiray dhismeyaal uu leeyahay Ganacsade u dhashay Talyaaniga oo ku dhejisan sarta Al-Basha.
Ilaa bilowgii todobaadkan, diyaarada Israa’iil waxa ay burburiyeen shan dhisme oo dhaadheer oo ku yaalla Gaza, waxaana tallaabadaas lagu tilmaamay farsamo cusub oo dawladda Israa’iil cadaadiska ugu sii kordhinayso Xamaas.
Haseyeeshee, dawladda Israa’iil kamay hadal sababta ay u bartilmaameedsatay dhismeyaasha, halka markii hore yoolkoodu ahaa goobo cayiman oo ay uga shakiyaan inay dagaalyahannada Xamaas ka hawl-galaan.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay shalay oo kaliya ah, wax yar ka hor xilliga uu soo baxay warka heshiiska xabbad-joojinta ah, ay diyaaradeedu duqeeyeen 15 bartilmaameed, halka Kooxaha Falastiiniyiinta ahi ay gudaha Israa’iil ku rideen siddeed gantaal oo kaliya. Duqeymaha ay diyaaradaha Yuhuuddu shalay ka geysteen Gaza, waxa ku dhintay laba qof, halka sidoo kale mid ka mid ah Gantaalaha lagu ganay Gudaha Israa’iil ay waxyeello u geysteen guri ku yaalla magaalada Ashkelon, isla markaana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen dhowr iyo toban qof.
Kooxda Xamaas ayaa gacan-ku-haynta marinta Gaza kala wareegtay madaxweyne Cabbaas sannadkii 2007, taas oo sababtay in dawladda Israa’iil ay cuna-qabatayn iyo xayiraadba saarto marinka Gaza.
Dagaalka marinka Gaza oo bilaabmay bishii July ee sannadkan, ayaa galaaftay nolosha 2,133 qof oo Falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 11,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee marinka Gaza. Sidoo kale, waxa ku burburay 17,000 oo guri, taas oo sababtay inay barakacayaan shacab tiradooda gaadhayso 100,000, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala deegaannada Marinka Gaza.
Dhinaca Israa’iil, waxa dagaalka kaga dhintay 68 qof oo dhammaantood Askar ah marka laga reebo Afar qof oo shacab ah. Sidoo kale, waxa dhaawacyo ka-soo-kabashadoodu muddo qaadanayso ka cabanaya dhaqaalaha dalka Israa’iil oo hoos-u-dhac weyni ku yimi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment