
Xoogag hubeysan oo ka yimid magaalada Misrata iyo Islaamiyiin ayaa dagaalka qeyb ka ah, iyadoo xoogaga ammaanka kula dagaalamayay gacan ku heynta garoonka diyaaradaha Tripoli.
Afhayeen u hadlay maleeshiyooyinka ayaa sheegay in baarlamaanka la doortay uu sharci daro yahay, iyadoo sheegay inay yihiin xubnihii dowladdii hore
Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay xaalada magaalada Tripoli oo dagaalo cusub laga soo sheegayay, kooxaha hubeysan ayaa duleedyada magaalada ku dagaalamayay, iyadoo la maqlayay qaraxyo waa weyn.
Xoogaga hubeysan ee ku sugan Libiya ayaa markii hore si wada jir ah ula dagaalamay dowladdii Mucaamir Al-Khadafi ee xukunka laga tuuro, balse haatan waxaa muuqata inay isku hayaan awooda dalka.
Dagaaladan ka socda Libiya ayaa ah kuwii ugu xooganaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii xukunka laga tuuray Mucaamir Khadaafi oo muddo dheer deggenaan ku xukumayey dalkiisa.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment