Tuesday, August 26, 2014

Dhacdo Dhexmartay Macalimad iyo Ardayad Muslim Ah

Kendra Turner oo ah ardayad 17 jir ah oo wax ka dhigata dugsi sare oo ku yaala deegaanka Tennessee ee dalka maraykanka ayaa macalimiadii wax u dhigaysay ay fasalka dibada uga saartay kadib markii ay ardayadu saaxiibadeed oo ag fadhiday oo hindhistay ay ku tidhi ‘’Alle haku naxariiso’’ waxaana ay arrintaasi keentay in macalimadu ay xiisada joojiso kadibna ay su’aashay ardayada inay kusoo celiso hadalka ay tidhi, kadibna ay ka codsatay inay dibada uga baxdo fasalka.
Muuqaal video ah oo uu baahiyey kanaalka Fox News oo wareysi la yeeshay ardayada yar ee fasalka dibada looga saaray ayaa waxa uu ardayda weydiiyay siday dhacdadaasi u dhacday, waxaana ay ardaydu ku jawaabtay’’ anaga oo fasalka dhexdiisa ku jirna oo xiisadu noo socoto ayaa waxa hindhisay mid ka mid ah asxaabti ii dhawayd ana waxa aan si caadi ah ugu idhi Alle-Haku naxariisto, kadib macalimadii fasalka noogu jirtay ayaa I weydiisay hadalka aan idhi waxa uu ahaa markii aan u sheegayna waxay I weydiisay xageed ku bartay, aniguna waxa aan u sheegay inaan kaniisada kusoo bartay’’
Kendra ayaa sheegtay in macalimadeedu ay ugu jawaabtay in aanay raali ka ahayn in fasalka dhexdiisa ay hadalkaas oo kale ku tidhaa sidaas awgeedna ay fasalka dibada uga baxdo, arrintan oo maalimihii u danbeeyay si weyn ay u faaqiday warbaahinta maraykanku ayaa waxa lagu sheegay in macalimada dhacdadan samaysay mar ay warbaahinta la hadashay ay sheegtay in sababta ay ardayada uga saartay fasalkeeda waxbarasho ay tahay iyadoo ardayadu si amar la’aan ah ugu dhex hadashay fasalka xilli ay macalimadu sharaxaad waday.
Laakiinse Kendra ayaa waraysigeeda ay siisay telefishanka fox news waxay ku sheegtay in aanay jirin eeda ay macalimadeedu usoo jeedisay ee ah in fasalka amar la’aan ay ku hadashay awgeed aan looga saarin waxaanay ku andacootay in macalimadeedu si toos ah ugu sheegtay in aanay ogolayn in fasalka dhexdiisa ay ku maqasho hadal lamida ka ay Kendra tidhi markii saaxiibadeed hindhistay, waxaana ay intaasi raacisay ardayadu in maamulka dugsiga laftoodu markii ay dacwada arrinta la socodsiisay ay u sheegeen in shuruudaha dugsiga ay ka mamnuuc tahay in ardaydu ay muujiyaan ficil kasta oo la xidhiidha arrimo diineed ama kala duwanaansho dhaqan oo ay dugisiga la dhex yimaadan.
Arrintan ayaa hadal hayn wayn ka dhex abuurtay gudaha schoolka ay dhacdadani ka dhacday iyo xataa gudaha deegaanka uu dugsigu ku yaalaba, waxaana qaar ka mida ardayda wax ka dhiganaayey dugsiga dhacdadani ka dhacday ay sameeyeen dibad baxyo gudaha schoolka ka dhacay oo ay arrintan kaga soo horjeedaan waxaana qaarkood ay sameeyeen boodhadh iyo maryo cadcad oo ay ku qoran yihiin halku dhigo ay ka mid yihiin God bless you oo ay uga dan leeyihiin inay muujiyaan sida ay u taageersan yihiin hadalkii ardayada dibada looga saaray fasalkii ay wax ka dhiganaysay.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment