Buuhoodle/Hargeysa, 27 August, 2014 (Himilo)- Dagaal qadhaadh ayaa shalay dhex-maray Ciidammo ka tirsan Milatariga Somaliland iyo Malleeshiyada Kooxda Khaatumo la baxday ee Cali Khaliif Galaydh hoggaamiyo, kaasoo ka dhacay jiidda hore, isla markaana ay Ciidanka Qaranku kula wareegeen Fadhiisin ay Kooxdaasi ku lahayd meesha lagu magacaabo Daba-taal oo 50-KM u dhinaca Koonfur-bari ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo illaa 30 ka tirsanaa Malleeshiyada Hubaysan oo ay gacanta ku dhigeen.

Warku waxa uu intaas ku daray in Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland xalay ahaan ay si buuxda gacanta ugu hayeen Deegaanka Dabo-taag oo ay marka hore degganaayeen Kooxda Cali Khaliif Galaydh ee gobolka Sool, isla markaana u dhaxaysa Laacsaanood iyo magaalada xadka ku taalla ee Saax-dheer oo hadda fadhiisin ama saldhig u ah Qabqable-dagaal Cali Khaliif Galaydh oo horraantii bishan Kooxdu halkaas Madaxweyne ugu doorteen. Waxaanay Dabataag iyo Saax-dheer isu jiraan masaafo dhan 40-KM sida ay noo xaqiijiyeen dad aqoon u leh deegaankaasi.
Maalin ka hor Dagaal shalay, maxay is-waydaarsadeen Xukuumadda iyo Galaydh?
Dagaalkan ayaa yimi maalin ka dib markii ay Xukuumadda Somaliland iyo Hor-joogaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh is-waydaarsadeen hanjabaado isku lid ah. Waxa uu Cali Khaliif Galaydh oo Isniintii hadlay si tawaawac ah u sheegay inay ku khasban yihiin wadahadal ay la furaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxaanu intaas ku daray inuu ugu baaqayo inay ka baxaan Somaliland deegaannada uu sheegto inuu maamulo ee Somaliland ka tirsan.
“Waxaanu rabnaa inaanu wada-hadal nabadeed la galno Somaliland iyo Puntland. Dee kuwii dhulka aanu u wada-dhalannay ee dani na badday in laysweydiiyaba ma bannaana, annagu boqolkiiba boqol diyaar-baanu u nahay in la wada-hadlo, in la tashado, in khasab ay nagu ahaato yoolka aanu leenahay inaanu dhinacyada ka wada-joogno, mar walbana diyaar baanu u nahay xidhiidhkooda iyo wada-hadalkooda.” Sidaa ayuu yidih Cali Khaliif Galaydh.
“Marnaba uma dul-qaadan karno in labadaas maamul ay gacanta ku sii hayaan dhulka Khaatumo,” ayuu yidhi Cali Khaliif Galaydh oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida Maamulka uu ku magacaaban yahay uga shaqayn karo gobolka aan gacanta ugu jirin iyaga. Waxaanu intaas ku daray, “Arrinta Khaatumo maaha mid ka soo bilaabantay Saax-dheer ee waa mid muddo badan soo socotay oo ay wada dhiseen dad deegaanka ah, Ragga arrintaan aan wada bilawnay waxaa ka mid ahaa Maxamed Buraale Faarax, Jaamac Abshir Xasan, Maxamuud Siciid Cumar iyo Saleebaan Cabdi Madoobe, ka dibna Bulshada ayaan u bandhigay qorshihii Khaatumo waanaysoo dhaweyeen.”
Hase-yeeshee, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ka jawaabay hadalka Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo, waxaanu sheegay inaanay Somaliland aqbali doonin in Galaydh lagu caleemo-saaro magaalada Buuhoodle oo la sheegay in qaban-qaabada loogu caleemo-saarayo Madaxweynennimadiisa. “Anigu ma ogi Cali Khaliif Isku caleemo-saaraya Buuhoodle, waxna kama jiraan ee waa been, Buuhoodlena ka yeeli mayno dhaq-dhaqaaq Siyaasadeed oo Cali Khaliif wado, haddii ay dhacdana tallaabada ku habboon ayaannu ka qaadaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye oo Isniintii toddobaadkan magaalada Hargeysa Warbaahintu wax kaga weydiisay arrintaas.
Waxaanu Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey siday u arkaan wadahadalka uu Galaydh sheegay inuu la furayo Somaliland, waxa uu yidhi; “Waa arrin wanaagsan haddii ay jirto. Xukuumadda Somaliland way ka go’an tahay mar walba nabaddu, xabbad ma waddo. Saax-dheer Ciidammada Somaliland way dul-taagnaayeen, waa la geli lahaa haddii xabbad la doonayo, cid kasta oo nabad waddana waa la soo dhawaynayaa. Ciddii Qas, dhib iyo mushkilad waddana waa laga hor-tagayaa. Somaliland oggolaan mayso cid iyadoo dan gaar ah wadata, qalalaase iyo qas ka ridda deegaannada Somaliland.”
Maxaa dhici kara haddii Cali Khaliif lagu Caleemo-saaro Buuhoodle?
Qaban-qaabada Munaasibadda la sheegay inay ka socoto magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Buuhoodle, ayaa haddii ay suuragal noqoto inay hirgesho oo Cali Khaliif Galaydh Madaxweyne-nimada ay Kooxdu u dooratay labada toddobaad ka hor loogu caleemo-saaro Buuhoodle, waxa dhici kara inay Somaliland sida uu Wasiir Xaglo-toosiye sheegay ka qaaddo tallaabo ay ku firdhinayso Hor-jooge Galaydh oo ay hore uga baacsatay Degmada Taleex oo markii hore uu sheegan jiray inay xarun u tahay Kooxdaas, balse ay Ciidanka Qaranka Somaliland si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynteeda, kana baacsatay Galaydh iyo Kooxdiisa oo ay kaga hadheen deegaanka Saax-dheer oo ay ku qabsadeen shirka ay ku doorteen Dr. Galaydh.
Waxa laga filan karaana waa dagaal khasaare dhalin kara oo Ciidanka Somaliland ee Jiidda Buuhoodle iyo Malleeshiyada nabad-diidka ah ku dhex-mara magaaladaas. Inkasta oo ay wararka qaarkood tibaaxayaan in Galaydh laftiisu cabsi badan ka qabo waxa kaga iman kara haddii Buuhoodle lagu qabto Munaasibadda Madaxweynennimada Kooxdu u dooratay loogu caleemo-saarayo, hanjabaadda Wasiirka Caafimaadka Somaliland uga tagtay darteed, maaddaama oo marka la isa sii kala guro Buuhoodle uu deegaankiisa rasmiga ah yahay Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye oo uu hore u sheegay inaan Cali Khaliif looga dul-qaadan doonin inuu dhibaato u soo jiido Buuhoodle, balse uu yahay Wiil reer Buuhoodle Abti u yihiin, loona baahan yahay inuu Abtinimada dhawro oo aanu soo dhaafin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment