Saturday, August 23, 2014

Kenya oo dalkeeda Ka Mastaafurinaysa Dhagar-qabe loo haysto Dilalka Wariyeyaal Soomaali ah

Nairobi 24 August, 2014 (Himilo)- Ciidamada booliiska Kenya, ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo loo haysto dilka wariyeyaal Soomaali ah oo lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya.
2014823635443537246280406hassan-hanafi-shabaabjhNinkan oo magaciisa dhabta ah lagu sheegay Xassan Xanafi balse markii hore isticmaali jiray magaca Yuusuf Xasan Cabdi Salaan, ayaa ciidamada Kenya gacan ku dhigeen, waxaanu xog-waraysi lala yeeshay ku qirtay in magaciisa dhabta ahi yahay Xasan Xanafi balse uu magaca kale kaga hawl-gali jiray gudaha Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa tibaaxay inay diyaarinayaan sidii loo mustaafurin lahaa ka dib markii dawladda Soomaaliya in loo gacan-geliyo.
Ninkan oo sifo sharci-darro ku helay waraaqaha aqoonsiga Kenya, ayaa la sheegay inuu dalkaas galay bishii saddexaad sannadkan si looga daaweeyo dhaawacyo ka soo gaadhay qarax ka dhacay Muqdisho sannadkii 2011, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska Kenya.
Xasan Xanafi oo la sheegay inuu ka tirsan yahay maleeshiyaadka Shabaab, isla markaana uu ka dambeeyey dilalka weriyeyaal iyo shacab Soomaaliyeed, ayaa la sheegay in qabashadiisa ay iska kaashadeen sirdoonka dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Intii u dhaxay sannaddadii 2012 iyo 2013, waxa dalka Soomaaliya lagu dilay wariyeyaashii ugu tirada badnaa, balse sannadkan waxa ugu dambeeyey oo sannadkan gudihiisa Muqdisho lagu dilay weriye lagu magacaabi jiray Yuusuf Kenyan oo baabuurkiisa loogu rakibay walxaha qarxa bishii June ee sannadkan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment