
Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ayaa waxa Soo Abaabushay Hay’adda Shaqaalaha, waxaana ujeeddadiisu ahayd sidii Saraakiisha sarsare ee Xukuumadda ka tirsan Fikirkooda uga dhiiban lahaayeen Dardargelin iyo Hufid lagu sameeyo Shaqaalaha Dawladda iyo Waddooyinka Loo marayo Dib-u-habaynta Shaqaalaha.
Waxa Kulankan kasoo qayb galay Inta Badan Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dawladda iyo waliba Madax ka socotay Hay’adaha Madaxa Bannaan ee Dawladda, waxaana sidoo kale Goob-joog ka ahaa Wakiil sare oo ka socday Ha’yadda UNDP Oo Isaguna Talooyin halkaas ka dhiibtay.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland Nuux Sheekh Muuse Ducaale oo ugu horrayn Halkaas Ka Hadlay, ayaa sheegay in sababaha dib-u-habaynta loo samaynayaa ay kaw ka tahay sidii looga Dhabayn lahaa Dhawaaqii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) dhamaadkii sanadkii 2010-kii kaga dhawaaqay in shaqaalaha Dawladda lagu samayn doono Dibu-habayn.
Nuux Sheekh Muuse Ducale, waxa uu agaasimayaashii iyo madaxdii halkaas iskugu timi u sheegay in looga Baahan yahay inay ka qayb qaataan hannaanka ugu fiican oo loo samayn karo Dib-u-habaynta Shaqaalaha Kala duwan ee Dawladda.

Mudane Nuux waxa uu ku adkeeyey Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha in si hufan u soo bandhigaan wixii aqoon iyo karti ah ee u leeyihiin samaynta Dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda, isagoo ku Boorriyey inay Aqoontooda uga Faa’iideeyaan Shaqaalahooda kasii hooseeya ee Awaamiirtooda ku shaqeeya.
Waxa Halkaas lagu soo bandhigay Casharro kala duwan oo lagu muujinayey nidaamyada kala duwan ee loo samayn karo Dibu-habaynta shaqaalaha, kuwaas oo ay soo jeediyeen Khubaro takhasus dheer u leh Hawlaha Shaqaalaha iyo sida loo horumariyo.
Madaxdii kala duwanayd ee Halkaas isku weydaarsanayey Aqoontooda, ayaa soo bandhigay Siyaabo kala duwan oo shaqaalaha loo horumarin karo, waxana Guddida Gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay iskuduba ridka iyo horumarinta arrimaha Shaqaaluhu sheegeen inay qaadanayaan Talooyinka ka yimi Agaasimayaasha iyo aragtiyahoodaba.
Kulankan oo kaliya maanta inuu socdo loogu talo galay, ayaa kusoo gunaanadmay jawi haboon, iyadoo dhinacyadii ka qaybgalay Kulankaasi ku Ballameen in baahi weyn loo qabo horumarinta iyo Dibu-habaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ayaa iyadu ballan qaadday inay horumar iyo dibu-habayn la taaban karo ku samayn doonto shaqaalaha dawladda, isla-markaana qaadan doonto tallaabooyin loo baahan yahay oo ay Agaasimayaasha Guud talo ahaan usoo jeediyeen.
Kulankan ayaa ah kii noociisa ah ee dalka laga qabto tan iyo intii ay xukuumadda Kulmiye Xukunka Qabsatay muddo haatan laga joogo Afar sano iyo dheeraad, waxaana ay Hay’adda Shaqaaluhu Ballan ku qaaday inay ka midho dhalin doonto Baahiyaha Muuqda ee Shaqaalaha Dawladda oo si ugu baahan in nidaamkooda wax-ka-beddel lagu sameeyo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment