
War-saxaafadeed ay xalay soo saareen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada dalka Djibouti ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ka dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidankoodu, isla-markaana ay ku dhaawacmeen Lab aka mid ah saraakiisha ciidanku oo uu ku jiro Dhakhtarkii Guud ee Ciidanka Madaxtooyada.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xaallada la xakameeyey, isla-markaana gacanta lagu dhigay sarkaalkii rasaasta furay, waxana lagu xusay in xaaladda la baadhayo Haatan.
Warsaxaafadeedka ayaan lagu sheegin sababta keentay in Askarigu rasaasta rido iyo cida uu ku bartilmaameedsanayay toona, hase ahaatee waxaa lagu xusay in baadhis lagu samaynayo sababta keentay in Askarigu rasaasta furo.
Madaxweynaha Jabuuti oo safar kaga soo laabtay dalka Ethiopia ayaanay waxba ka soo gaadhin Rasaasta Garoonka ka dhacday oo aan ilaa hadda la ogayn cida lagu beegsanayay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment