Wednesday, August 27, 2014

Haweenay Maalintii Cabta 5 Litir oo caano ah

Sandra flames oo ah haweenay u dhalatay dalka ingiriiska ayaa noqotay qofka ugu caano cabis badan ee deegaanka ay ku nooshahay waxaanay maalintii ay cabtaa in ka badan ugu yaraan 5 litir oo caano ah, sida ay baahisay jariirada daily mail haweenaydan maalinle u cabta qadar badan oo caano ah taas oo la’aanteed ay aaminsan tahay in aanay wax kale cuni karin ama aanay cabi karin.
Flames ayaa waxay sheegtay in sanadihii u danbeeyay ay aad u korodhay baahida ay u qabto inay cabto caano qadarkoodu aad u sareeyo “bishii waxay igu qaadata in caana iibkooda ay igaga baxdo lacag dhan 40 dollar bil kasta, waa cabitaankayga aan ugu jecelahay,waan ka jecelahay caana cabitaanka kale oo dhan xataa biyahana ha ahaate’’ sidaas waxa tidhi flames oo ka hadlaysay qisada cabitaanka caanaha ee ay caanka ku noqotay.
Flames ayaa sidoo kale waxay sheegtay in xaaskeedu uu aad u neceb yahay cabitaanka caanaha taas oo ay sheegtay inay tahay mushkilada ugu wayn ee u dhexeysa iyada iyo saygeeda oo ay sheegtay in cabitaanka caanaha uu aaminsan yahay in caruurta yaryar loogu talogalay inay cabaan qadarka badan ee maalinlaha ay iyadu u cabto’’ “Sandri waan isku qabsanaa cabitaanka caanaha, haddii aan damco inaan ku qasbana wuu igu diida ilaa aan kaga badasho qadar lacag ah, hadii hal litir oo caano ah uu cabo saygaygu waxa aan ugu badalaa 200 dollar lacag gaadhaysa.
Gabadhan oo ku nool deegaanka Southport ee dalka ingiriiska waxay ka sheekaysay qisada ku duugan in caanaha ilaa heerkan ay u jeclaato oo ay nolosheedu ku xidhnaato waxaanay sheegtay in wakhti hore oo ay macalimad ka ahayd mid ka mida dugsiyada hoose ee ku yaala magaalada ay dagan tahay ay caanaha kaga badalan jirtay caruurta yaryar ee ay wax u dhigayso cabitaano kale taasina oo ay kor u qaaday baahida ay u qabto caanaha cabistooda, waxase ay sheegtay flames inay damacsan tahay inay aad u yarayso qadarka caanaha ee ay maalinti cabto ee 5 litir ah maadama oo uu kor usii kacayo culayska jidhkeeda oo heer aad u sareeya hada maraya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment