Gabadh da’ yar oo ardayada ah una dhalatay dalka Taiwan ayaa wayday aragii indhaheeda kadib markii muddo 6 bilood ah ay xidhnayd aaladaha isqurxinta ee la galiyo guluubka hoose ee indhaha, taas oo marki ay gaadhay mudadii loogu talo galay inay ku badasho ay qarisay gabadha yar.
Arrintan ayaa waxay keentay in gabadhan ay hal mar waydo aragii indhaha oo ay indha beesho, waxana muddo kadib ay reerkoodu ku war-heleen in gabadhoodu aanay waxba arkayn oo uu gabi ahaanba meesha ka baxay aragtidii caadiga ahayd ee gabadha yar, hooyada dhashay gabadhan yar ayaa markiiba arrintan la socodsiisay dhakhaatiirta dhanka indhaha waxaana markii loo gudbiyay cusbitaalka ay dhakhaaatiirtu sheegeen inay gabadha yari indho beeshay maadama oo ay waxyeelo wayni soo gaadhay dareemayaasha indhaha taas oo ay keentay aalada ay indhaheeda galisay oo dhaaftay xilligi loogu talo galay in la badalo ama lagu nadiifiyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment