Tuesday, August 26, 2014

Ismaan-dhaaf Dhul soo kala dhex-galay Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Qaranka oo Xallintiisa ay ku jiraan Madaxweynaha & Ku-xigeenkiisu

Hargeysa, 26 August, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay qiray in isfaham-darro iyo khilaaf soo kala dhex-galay Ciidanka Qaranka Somaliland oo ay isku maan-dhaafeen Xayndaabka loo samaynayo garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa oo gaadhay Xeryo ay Ciidanka Millaterigu ku leeyihiin duleedka Madaarka.

Wasiirka Duulistu waxa uu ku dooday in khilaafkaas iyo is-faham-waagaas soo kala dhex-galay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Millaterigu uu sababay inay is-taagto shaqadii lagu xidhayey Xayndaabka Madaarka Hargeysa, hase-yeeshee, arrintaas xalkeeda gacanta lagu hayo, isla markaana cid wax gaar ah doonaysaa aanay jirin ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenku gacanta ku hayaan arrintaas.

maxamuud-xashiKulan ay Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada Somaliland la yeesheen Axaddii shalay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa markii uu dhammaaday ka dib, waxay Weriyeyaashu wax ka weydiiyeen Wasiirka waxyaabaha ay ka wadahadleen Guddiga, waxaanu sheegay inuu sharraxaad iyo faahfaahin ka siiyey Masuuliyadda uu Qaranka u hayo oo ay Su’aalo ka weydiiyeen, isla markaana iskaga xog-waraysteen Shaqadiisa sida uu sheegay.

Hase-yeeshee, Wasiir Maxamuud Xaashi ayay Weriyeyaashu weydiiyeen su’aalo kala duwan, waxaana su’aalahaas ka mid ahaa waxa ka jira muran iyo ismaan-dhaaf soo kala dhex-galay Ciidanka Qaranka oo dhulka Madaarka loo xidhayo la xidhiidha, waxaanu ku jawaabay; “Runtii Garoonka waxa laga wadaa Xadayn, wax hawl-yar maaha, illaa iyo Ingiriis illaa xilligaa maanta ah waa waa arrin la xaqiijin kari waayey. Guul wayn bay u tahay Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo hadday xaqiijiso inay garoonkeennii caalamiga ahaa maanta xad u samaysay, arrintaa iyada ahna qarkaannu u saarannahay.”

“Waxaan u hambalyeynayaa oo u mahad-celinayaa Shacabka Somaliland, gaar ahaan deegaankaas oo Boqollaal Baloog oo Dhul ah aannu ka kicinnay iyadoon cidi ku dhiman, iyadoon cidi ku dhaawacmin, hal shilin annagoon ka celin, waa guul weyn weeye oo Bisayl ah, waxaannu soo wadnay wacyigelintaas sannad, maanta meel fiican buu marayaa, 5-KM baannu maanta xidhnay, Waddooyinkii dhex-mari jiray Garoonkeenna oo dhan baa oodmay, ammaan baynu maanta nahay Illaahay mahaddii, inta hadhayna waan dhammaystiri doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo sii watay jawaabta uu su’aashaa ka bixiyey waxa uu sheegay in Mashruuca lagu hirgelinayo Xayndaabka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalda Hargeysa ay intiisa badan maal-gelinayso dawladda Kuweyt, waxaanu yidhi; “Mashruucan dawladda Kuwayt (Kuite) baa maal-galinaysa Boqolkiiba toddobaatan 70%, Boqolkiiba soddon-na 30%-na Xukuumaddeennaa ku kabaysa, saddex iyo toban Kiiloo-mitir iyo badh (13.5KM) ayaannu xidhaynaa.”

“Dawladda, Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Duulistu waa isku Xukuumad hal koox weeye, ma qarinayo in isfaham-darro soo baxday iyo in Shaqadi istaagtay, beenna sheegi maayo, hase-yeeshee, Dhul ma kala lihin. Annagu meeshan aannu xidhayno dee Maxamuud Xaashi-na Xidhan maayo, Wasaaradina xidhan mayso ee Madaarkeennii ayaynu u xidhaynaa. Xeryaha Ciidamada Qaranka lagu xad-gudbi maayo Xerooyinkana la xidhi maayo.” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Waxaanu Wasiirka Duulistu intaas ku daray oo uu yidhi; “Ciidammada Qaranka ee M/Gaasta iyo Ciidammada Qaranka ee Kamaandowsta labaduba way ka baxsan yihiin Xayndaabka. Xerada Ciidanka Cirku weligeed-ba Wasaaradda Duulista ayay ka tirsanaayeen oo gudahay ku jirayaan, haddiii Isfahan-darro soo baxdayna gacantaa arrintaas lagu hayaa oo Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka  iyo Ragga Masuulka noo ah ayaa isku kaaya toosinaya oo wax dhiillo ahi ma jirto ee wax wanaagsan baa innoo socda.”

Sidoo kale, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay inaanay haba-yaraatee jirin wax kharash ah ama lacag ah oo ay Wasaarad ahaan ku kordhiyeen Lacagta Cashuurta ah ee laga qaado Rakaabka Madaarrada dalka ka dhoofaya, gaar ahaan ka Hargeysa oo dhawaan Taleefannada ku qaybiyey Farriin Ogeysiis ah oo lagu sheegayo in dadka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ay ku soo talo-galaan lacag dhan $43 Doollar, taasoo loo arkayey lacag sharci-darro ah oo Wasaaraddiisu kordhisay, hase-yeeshee, waxa uu Wasiirku ku dooday inay Lacagtaasi tahay mid horeba u jirtay oo dadka dhoofaya cashuur ahaan looga qaadi jiray, balse dadka dhoofaya oo Xagaagan aad u badan lagu ogeysiinayo lacagta cashuurta ah ee looga baahan yahay sida uu sheegay.

No comments:

Post a Comment