Saturday, August 23, 2014

Maxkamad go’aan ka soo saartay Kiis Lammaane Is-qaba ku Dhex-maray Sawirka Arooskooda oo Facebook-ga lagu baahiyey!

Magaalada Naples oo ah magaalada Saddexaad ee ugu ballaadhan dalka Talyaaniga marka laga yimaaddo magaalooyinka Milan iyo Rome, waxa todobaadkii hore ka dhacday qiso si weyn u soo jiidatay warbaahinta caalamka ka dib markii khilaaf gaadhay ilaa heer Maxkamadeed uu dhexmaray Qoys ku nool magaaladaas oo isku-qabsaday Sawir lagu baahiyey Barta bulshadu ku kulanto ee Facebook.
Nin lagu magacaabo Yale Matino oo ku nool magaalada Naples ee dalka Talyaaniga ayaa dacwad ka dhan ah xaaskiisa u gudbiyey maxkamad ku taala deegaanka uu ku nool yahay, dacwadaas oo la xidhiidha in haweenaydiisu ay barta bulshadu ku kulanto ee Facebook ku baahisay sawirka labada lamaane oo ku jira xilligii toddoba baxa ee arooskooda oo ay ka soo wareegtay muddo 10 sanno ku dhaw.
Mr Matino ayaa dacwada xaaskiisa ka dhanka ah ee uu u gudbiyay maxkamada deegaanka uu ku nool yahay ayaa waxa uu ku sheegay in xaaskiisu markii ay sawirka arooskooda ay soo dhigaysay barta ay Facebook-ga aanay waxba ka ogeysiinin una sheegin inay dhigi doonta sawirkooda arooska facebook,waxaana uu ku andacooday inay ahayd kor hor inay ku wargaliso si uu wax uga sii ogaado.
Haweenaydan ayaa markii maxkamada looga yeedhay waxay ku adkaysatay inay xaq u leedahay in sawirka arooskooda iyada iyo saygeedu ay soo dhigi karaan Facebook-ga, waxaana si ay dacwadaasi iskaga difaacdo ay qabsatay Looyar u dooda, iyada oo muddo maalmo ah kiiska dacwadoodu ku jirtay maxkamada.
Maxkamada Naples ayaa ugu danbayntii soo saartay xukunka dacwadii ka dhanka ahayd gabadha,waxaanay dacwada u xukuntay saygeeda, waxaanay maxkamadu amar ku siisay gabadha eedaysanaha ahayd inay Facebook-geeda ka qaaddo sawirka Arooskeeda ee ay soo dhigtay maadaama oo aanay la socodsiin markii ay soo dhigaysay, waxaanay maxkamaddu digniin ku siisay inay sida ugu dhakhsaha badan sawirka uga qaado barta kulanka ee Facebook, haddii ay u hogaansami weydana ay mudan doonto ganaax lacageed oo badan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment