Sunday, August 24, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Degreeto Ku Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Cusub Ee Xaysimo

Hargeysa:Aug,24,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuurriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), waxa uu goor dhaweyd Degreeto madaxweyne ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo oo ah Gobolka ugu da’da yar Gobollada Somaliland.

ebelMadaxweyne Siilaanyo ayaa Gobolkan Guddoomiye uga dhigay Cabdirashiid Maxamed Xiir, waxana warsaxaafadeedka Magacaabistiisa oo uu ku saxeexan yahay Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul u qornaa sidatan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahaySL/M/XERM/249-2670/082014ku magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Xaysimoee Jamhuuriyadda Somaliland.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda

Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin

dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment