Tuesday, August 26, 2014

Xukuumadda Somaliland oo Qalbi-furan ku qaabishay Dhawaaq xeelad Siyaasadeed ku ladhan tahay oo ka soo yeedhay Prof Cali Khaliif

Hargeysa, 26 August, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhawaysay wada-hadal nabadeed oo hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Prof Cali Khaliif ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay la yeesheen Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, iyaga oo sita magaca maamulka ay gudaha Somaliland kaga dhawaawee.

Haseyeeshee, Xukuumadda waxa ay ku gooddisay in aanay ka ogolaan doonin Siyasiyiinta uu Cali Khaliif ka mid yahay ay nabad-gelyada iyo deggenaanshiyaha deegaannada gobollada Buuhoodle iyo Sool ee Somaliland khal-khal gelin ku abuuraan iyaga oo uga faa’idaysanaya danahooda gaar ahaaneed.

XAGLO_galaydhProf Cali Khaliif Galeydh oo shir-beeleed dhowaan ku qabsoomay tuulada Saax-dheer, oo ka tirsan gobolka Sool, loogu doortay hoggaamiyaha kooxda Khaatumo, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal nabadeed oo ay la yeeshaan xukuumadda Somailand, haseyeeshee meesha kama saarin in wada-hadalku dhexmarayo Somaliland iyo kooxda uu hoggaamiyaha u yahay ee fadhigoodu yahay deegaanka Saax-dheer.

“Waxaanu rabnaa inaanu wada-hadal nabadeed la galno Somaliland iyo Puntland. Dee kuwii dhulka aanu u wada-dhalannay ee dani na badday in laysweydiiyaba ma bannaana, annagu boqolkiiba boqol diyaar-baanu u nahay in la wada-hadlo, in la tashado, in khasab ay nagu ahaato yoolka aanu leenahay inaanu dhinacyada ka wada-joogno, mar walbana diyaar baanu u nahay xidhiidhkooda iyo wada-hadalkooda,” sidaa waxa yidhi Cali Khaliif oo todobaadkan warbaahinta u warramay tuulada Saax-dheer ee dhowaan loogu doortay hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan cid kasta oo wada-hadal iyo waan-waan xal ugu raadinaysa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan gobollada Bariga Somaliland.

Wasiirka oo la weydiiyey sida ay u arkaan baaqa wada-hadalka nabadeed ah ee Prof Cali Khaliif kaga dhawaajiyey, waxa uu ku jawaabay, “Waa arrin wanaagsan haddii ay jirto. Somaliland xukuumaddeedu way ka go’an tahay mar walba nabaddu, xabbad ma waddo. Saax-dheer ciidamada Somaliland way dul-taagnaayeen, waa la geli lahaa haddii xabbad la doonayo, cid kasta oo nabad waddana waa la soo dhawaynayaa. Ciddii Qas, dhib iyo mushkilad waddana waa laga hortagayaa, Somaliland ogolaan mayso cid iyadoo dan-gaar ah wadata, qalalaase iyo qas ka ridda deegaannada Somaliland,” ayuu Dr Saleebaan Ciise Axmed haseyeeshee, wasiirka Caafimaadka Somaliland ma caddaynin nooca wada-hadal ee ay xukuumad ahaan oggol yihiin inay la qaateen Prof Cali Khaliif iyo kooxdiisa Khaatumo.

Wasiirka Caafimaadka waxa uu sheegay inaanay xukuumad ahaan ogoleyn isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii Cali Khaliif caleemo-saarkiisa lagu qabto Buuhoodle. Isaga oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey go’aanka ay xukuumad ahaan ka qaadanayaan, waxa uu yidhi, “Anigu ma ogi Cali Khaliif Isku caleemo saaraya Buuhoodle, waxna kama jiraan waa been. Buuhoodlena ka yeeli mayno dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo Cali Khaliif wado, haddii ay dhacdana tallaabada ku habboon ayaanu ka qaadaynaa.”

Si kastaba ha ahaatee, aqbalaadda Xukuumadda Somaliland ku soo dhawaysay dhawaaqa ka soo yeedhay Cali Khaliif Galeydh oo u muuqda xeelad siyaasadeed, ayaan la garanayn nooca wada-xaajood ee xukuumaddu ku qaabilayso, maadaama Cali Khaliif caddeeyey inay wada-hadallada nabadeed la furayaan Somaliland iyaga oo sita magaca Kooxda uu hoggaamiyaha u yahay ee Khaatumo, arrintaas oo kaaf iyo kala dheeri ka dhigaysa isku-day kasta oo waan-waan nabadeed oo Somaliland la furto dagaal-ooge Cali Khaliif Galeydh.

No comments:

Post a Comment