
Wararka laga helayo Kulankaasi oo ilaa duhurkii socday ayaa sheegaya in Mucaaradka iyo Madaxweynuhu isla fahmi waayeen qaabka loo dhigay labada xeer diwaan galineed oo Xukuumada Foodda isku gelisay, waxana mucaaridku Madaxweynaha ka codsadeen inuu kala saaro labada Diiwaangelinood.
Hogaamiyeyaasha mucaaradka ayaa ku doodaya in la kala madaxbanaaneeyo Diwaan galinta Muwaadinka iyo diwaan galinta Codbixiyeyaasha, kuwaasi oo ay doonayaan in si siman la isku barbar wado.
Xukuumadda ayaa dhankeeda xeerarka dusha iska saartay waxana ay iyagoo isku dhex jira u gudbisay Golaha Wakiillada, waxana taasi keentay in mucaaridku aad u xumaadaan.
Tallaabada xukuumadda iskugu barkisay Ladana xeer ayey Mucaaridku ku doodanayaan inay sabab u noqon karto doorasho dib u dhacda, waxana madaxweynaha laftiisu muujiyey inay arrintu gartahay balse wakhtiga oo kooban dartii loo baahan yahay in xeerarka dusha la iska saaro.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Mucaaradka u sheegay in qaabka Wasaaradda Daakhiligu u gudbisay ee ah in labada xeer la isku daro islamarkaana Diwaan galinta Madaniga ah la dhamays tiro ka dibna la bilaabo kaadhka Codbixinta uu taageersan yahay.
Kulankana maanta ayaa la sheegay inaan waxba la isla meel dhigin, waxase uu madaxweyne siilaanyo isku dayey inuu mucaaridka ku qanciyo inay aqbalaan xeerarka dusha iska saaran si doorashadu u qabsoonto, halka mucaaridkuna ka sheegeen in hannaankani keenayo in doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo.
Mucaaradka ayaa la filayaa inay Mawqif adag iska taagaan sida Xukumaddu u wado Xeerarka doorasho oo midna Komishanku gudbiyay midna Wasaaradda Arimaha guduhu waday oo Xukumaddu isku dartay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment