Saturday, August 23, 2014

Gantaallada Xamaas Oo Xanuujiyey Yuhuudda iyo Netenyahu Oo Cadho-hadlay

Qaza:Aug,23,2014(Himilo)-Kooxda Islaamiga ah ee dagaalka kula jirta Ciidanka Yuhuudda ee Xamaas, ayaa gantaalo khasaare keenay ku ganay Deegaanada Shacabka Isra’el deggen yihiin.

xngeWaxa ay yuhuuddu si weyn uga cadhootay Wiil aad u yar oo Xamaas ku dishay Gantaal ay ganeen, kaas oo Ra’isal wasaaraha Yuhuuddu sheegay inuu ka aargoosan doono.

Gantaal ay Ururka Xamaas ka rideen Magaalada Gaza ayaa ku dhacay Dhulka ay maamusho Israa’il gaar ahaan Xaafada Nahal Oz oo kuyaala Xadka Gaza , waxaana duqeyntaasi ku dhintay Wiil yar oo 4-sano jir Israa’iili ah.

 

Duqeymihii ugu dambeeyay ee Yahuuda Israa’iil ku garaaceen Magaalada Gaza waxaa ku dhintay saddex qof oo Shacab Falastiiniyiin ah halka ay ku dhawacmeen tobon qof oo kale, waxaana wali socda Duqeymaha ay is dhaafsanayaan Ciidamada Yahuuda iyo Ururka Xamaas.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment