
Suldaan Xasan Cali Jibriil iyo Ugaas Maakhiri Cali Shibbiin oo ka hadlay, ayaa sheegay in Shirkaasi yahay shir aanay beeshu ku wada socon shirkaas, balse uu yahay shir gaar ah oo ay koox gaar ah oo dano shaqsiyadeed iyo dillaalnimo wadaa qabsadeen. “Waxaannu caddaynaynaa Shirka Xiin-galool inaanu ahayn sida loo sheegtay, shirkaasi maaha magaca loo bixiyey ee waa shir gaar ah oo dano gaar ah laga leeyahay.” Sidaa waxa yidhi Suldaan Xasan Cali Jibriil.
Sidoo kale, Ugaas Maakhiri Cali Shibbiin oo ka hadlaya shirkaasi, ayaa yidhi; “Shirkan meesha ka dhacay ee Xiin-galool laga sheegayo mid annagu aannu shaqo ku leenahay maaha, wax cid ah oo naga raacayna ma jiraan, cidina noogama tegin, shaqo aannu ku leenahay-na ma jirto, Shir Warsangeli-na laguma magacaabi karo.”
Waxaana gebo-gabadii shirkaas shalay lagu qabtay magaalada Badhan Warbaahinta looga akhriyey siddeed qodob oo lagu qaaddacay Shirka Xiin-galool, kuwaasoo qoraalkoodu u dhignaa sidan:- “1- Shir Warsangeli ka midaysan yahay maaha. 2- Waa shir lagu duminayo Masiirka iyo Midnimada Warsangeli. 3- Waa Shir Ujeeddadiisu tahay dillaalnimo labada Maamul ah. 4- Ma aha Shir qaban-qaabadiisa iyo abaabulkiisa laga wada tashaday ee waxa uu ahaa mid koox dan gaar ah lihi wadatay.
5- Waxaannu ku baaqaynaa Shir caafimaad-qaba oo Beelaha Warsangeli u dhan yihiin, kagana wada-tashadaan aayohooda. 7- Beeshu ma aqoonsan doonto waxa ay soo saarto Kooxda Xiin-galool. 8- Waxaannu u baaqaynaa Kooxda Xiin-galool inaanay afka ku ballaadhin Warsangeli ee ay ku eekaadaan Kooxda ay yihiin.”
Sidoo kale, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Odayaasha degmada Dhahar ee gobolka Badhan, ayaa qaaddacay iyaguna shirkaas Xiin-galool. Waxaanay Wax-garadka Beesha Dubbays sheegeen in aanu Shirka Xiin-galool ka furmay aanu ahayn shir ay qabsanayaan Beelaha Warsangali oo aan loo dhammayn, wax kasta oo ka soo baxaana aanay Beel ahaan aqoonsanayn oo aanay iyaga khusaynin, xubnaha Dubbays ee ka qaybgalayna yihiin kuwo shaqsiyaddooda u socda ee aanay beesha metelin.
Odayaasha iyo Wax-gardka degmada Dhahar oo Khamiistii Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Dhahar, waxay sheegeen inaanay Cid Beesha Dubbays ka socotaa ka qaybgelin shirkaan, kana qaybgeli doonin ee ay ka soo horjeedaan. Caaqil Cabdi Shire Maxamed (Shire-Maskax), oo ka mid ahaa Odayaasha Shirka Jaraa’id qabtay oo halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Annagu haddaannu nahay Beesha Dubbeys ee Warsangali shirkaa Xiin-galool ee gogashu Xiin-galool u taal, waxaannu go’aansannay inaannaan maanta diyaar u ahayn, ciddii Beesha Dubeys ka tegtayna aanay naga talo-gelin oo aanay beesha metelin.”
“Haddaannu nahay Odoyaasha iyo Madax-dhaqameedka Beesha Dubbeys shirkaa Xiin-galool annagu hore ayaannu uga cudur-daarannay inaannaan shaqo ku lahayn sababo jira dartood, xilligakanna aannaan diyaar u ahayn, haddaannaan ka qaybgelinna dee shir na khuseeya maaha.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Cumar Cige oo ka mid ahaa Madaxda Dhaqanka ee ka hadlay Shirka Jaraa’id ee Dhahar ay ku qabteen, waxaanay Odayaasha kale ee Shirkaas ka hadlay sheegeen inay Beesha Dubbays taageersanayn shirkaas ee ay ka soo horjeedaan, una arkaan mid dano gaar ah laga leeyahay.
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed) oo xalay isagoo jooga magaalada Dhahar ee gobolka Badhan Weriye Himilo ka tirsani Khadka Taleefanka kula xidhiidhay, waxna ka weydiiyey Shirkaas oo uu hore shaki iyo walaac xooggan uga muujiyey mar uu toddobaadkii hore waraysi gaara siiyey Wargeyska Himilo, ayaa sheegay in Shirkaasi furmay Khamiistii, isla markaana Beelaha Warsangeli markay arkeen in ujeeddooyin aan u danaynaynin iyo ajandayaal siyaasadeed oo shaqsiyaad gaar ahi ku faa’iidayaan ay ka gaabsadeen inay ka qaybgalaan, isla markaana qaaddaceen.
“Shirkaasi sidii aan horeba u sheegay waa shir aan ajandihiisa iyo ujeeddadiisu toona caddayn, Beelaha Warsangeli ee Shirka Xiin-galool magacooda sitaana markii ay arkeen in shirkaas Koox dano gaar ah iyo dillaalnimo wadaa ay dabada ka wadaan waad ogtihiin inay qaaddaceen oo aanay ka qaybgalin oo Dhahar laga qaaddacay, Badhan iyo deegaanno kalena laga qaaddacay. Markaa, shirkaas Xiin-galool iyo Kooxda wadataaba waxaan u arkaan inay fashilmeen, wax u suuragalayaana aanay jirin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland.
Wasiir Buureed oo aannu wax ka weydiinnay inkasta oo uu isagu hore shaki iyo walaac uga muujiyey shirkaas, haddana Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhawr maalmood ka hor Warbaahinta kula hadlay Hargeysa inuu sheegay in Shirkaasi yahay Shir Dhaqan oo Beelaha Warsangeli horumarkooda kaga tashanayaan, isla markaana ay isaga iyo Masuuliyiin kale oo Beesha ka soo jeeda oo dawladda Somaliland ka tirsani ka qaybgeli doonaan, waxa iska beddelay sidaas, waxa uu yidhi; “Wasiirku isagaa sidaa iska yidhi; Shirkan hadduu shir Beeshu u dhan tahay yahay iyo haddii ujeeddadiisu wacan tahay Madaxda Dhaqanka ee Beesha ayaa gacanta ku hayn lahayd ee may qaaddaceen, waxaa ay ku qaaddeceen baanu qabaa, waxaanan kuu sheegayaa in aan shir lagu tilmaami karin hadda ee uu yahay kulan Kooxi isugu timi, waxa ka soo baxaana aanu noqon karin wax saamayn ku yeelan kara-haba yaraatee Somaliland.”
Wasiir Cadami oo aannu isku daynay marar badan shalay illaa xalay inaannu xidhiidh dhinaca Taleefanka ah la samayno si aannu warkan wax uga weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu helno Taleefankiisa gacanta oo xidhnaa awgeed, hase ahaatee, waxa uu toddobaadkii hore ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, inaanay shaki ka qabin shirkaas iyo ujeeddadiisa, isla markaana dadka barbar-dhgiaya ama ku dhererinaya Shirkii Saax-dheer ee Galaydh lagu doortay isagu ka xog-ogaalsan yahay, oo uu shirkaasi yahay mid Dhaqan oo Beesha Warsangeli ku tashanayso, balse taasi waxa muuqata inay is-beddeshay, isla markaana ujeeddo kale yeeshay Shirkaas Xiin-galool ka furmay Khamiistii dorraad.
Waxaanay dad badani is-weydiinayaan su’aal ah ma Beelaha Shirka Xiin-galool qaaddacay ayaa khaayimay Wasiirka? Mise Wasiir Cadami ayaa Somaliland Khaayimayey? Marka loo eego sida adag uu uga jawaabay shakiga shirkaas laga muujiyey iyo sida ay ujeedddada iyo ajandaha shirkaasiba isu-beddeleen, isla markaana looga dhex-arkayey Madaxda Dhaqanka Beeshaas ee Somaliland ka soo horjeeda, una ololeeya Soomaali-wayn, kuwaasoo uu ka mid ahaa Suldaanka guud ee Warsangeli Suldaan Siciid oo dhawr shir oo uu hore uga abaabulay Bariga Sanaag la fashiliyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment