
“Maanta (shalay) waxaan hor-imi oo ii yeedhay Guddiga ilaalinta ama daryeelka Hantida Qaranka u qaabbilsan Golaha Wakiillada Somaliland, xog-waraysi ballaadhan baannu yeelannay, runtii waan ku faraxsanahay inaan hor-tago oo aannu wax is-weydiinno, wax badan ka wadahadalno, is-afgarad-na ku soo gebo-gaboobo. Inay wax badan naga caawin doonaanna ay noo ballan-qaadeen Gole ahaan.” Sidaa ayuu yidih Duqa Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse.
Waxaanu intaas ku daray oo uu yidhi; “Kollay waa kulammo ay ku mari doonaan guud ahaa degmooyinka dalka oo dhan Guddigu, waxay naga xog-waraysteen wixii noo qabsoomay muddadii aannu xilka haynay, wixii aan qabsoomin, caqabadaha na hortaagan, inahaas ayaannu iska waraysannay oo ay wax naga weydiiyeen Guddigu.”
Maayerka Gebiley oo la weydiiyay Aragtidiisa ku aaddan in wakhtigan Goleyaasha Deegaanku xilka ka qaadi karaan Maayerrada ka dib markii wakhtigeedu dhammaaday digreeto Wasiirka arrimaha guduhu hore ugu xayiray oo ahayd inaan Maayerrada xilka laga qaadi Karin, balse toddobaadkii hore Wasiirku fasaxay, waxa uu ku jawaabay; “Horta, Goleyaasha Deegaanku xaq bay u leeyihiin inay is-doortaan, waayo? Maayerrada maanta jooga waa xubno Xildhibaanno ah oo aan waxba dheerayn Golaha intiisa kale. Markaa, marka horena iyagaa doortay, haddii ay immika ka qaadaanna waa wax sharcigu u oggolyahay, wax mushkilad ahina ma jirto, Illaahay baana Og cidda ugu horrayn doonta iyo siday wax noqon doonaan.”
Duqa Degmada Gabiley oo sidoo kale la weydiiyay Mooshin la sheegay in Golihiisu damacsan yihiin inay xilka kaga qaadaan maalmaha soo socda, waxa uu yidih; “Ma Ogi, mooshinka iyo hawlahaasi-na si sharci ah bay u dhacaan. Laakiin, Mooshinnadu si sharci ah ayay u dhacaan, waana wax sharci ah, waxaana muhiim ah in sharciga uun la maro. Dee malaha adigaa Gebilay iiga war-roon, laakiin, anigu illaa wakhtigan waxba kama ogi.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment