Haweenaydan la toogtay oo magaceeda lagu sheegay Nataasha Maxamed Faarax, ayaa Da’deeda lagu sheegay 26-sano, waxana ay ahayd Haweenay Magaalada somalida deggeni si weyn u garanayaan.3-nin oo aan la aqoon heybtoodda oo doonayay inay dilaan qof la sheegay inuu ka ag-dhawaa Marxuumadda ayaa si kama-ah u toogtay haweenaydan, sida ay sheegayaan warar hor dhac ah oo ciidamada Baadhista laga helay.
Marxuumad Nataasha Maxamed Faarax ayaa sanadkii hore ka qalin-jabisay Jaamacadda Toronto Humber College,waxaana dhimashadeeda kadiska ah ka naxay Qoyskeeda iyo asxaabteeda.
3-dii nin ee dilka lagu tuhmayo ayaa gacanta lagu dhigay,ninkii xabadda ku riday Marxuumadda oo da'diisa 26-jir lagu sheegay,waxaana dhimashadda Marxumadda ay noqoneysaa qofkii 24-aad ee Somali-Canadian ah ee magaaladaas lagu dilo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment