
Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenku markii uu shalay xarunta dawladda Hoose ee Caasimadda gaadhay kormeeray qaybaha dawladda Hoose, ka dibna waxa uu kulan la yeeshay Maayerka Caasimadda iyo Maayer Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) iyo Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Ina-Caga-weyne) iyo Xoghayaha Fulinta ee dawladda Hoose Mawliid Waris iyo sidoo kale Masuuliyiinta Waaxyaha kala duwan ee ay dawladda Hoose ee Hargeysa ka kooban tahay qaarkood. Waxaanu Madaxweyne Ku-xigeenku u soo jeediyey Masuuliyiintan inay xoojiyaan Adeegyada ay Bulshada u qabtaan iyo Waajibaadka ka saraan qurxinta iyo hagaajinta Bilicda Caasimadda Hargeysa.
Maayerka Caasimadda Hargeysa ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco, ayaa isaguna hadal kooban ka jeediyey kulankaas, isla markaana waxa uu sheegay in Masuuliyiin ahaan iyagoo ku faraxsan qaateen soo-jeedinta Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriaydda Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici u jeediyey, isagoo intaas ku daray inay diyaar u yihiin dedaal kasta oo ay u arkaan in ay ku wanaajin karaan adeegyada ay Bulshada u qabtaan iyo gudashada waajibaadka saaran-ba.
Waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici si gaar ah korka uga maamulaa ama ugala socdaa Mashruuca horumarinta dawladaha hoose ee dalka ee loo yaqaanno JPLG, kaasoo ay Hay’ado kala duwan oo ay ka mid tahay Hay’adda UN-Habitet ka mid tahay, qaybna ka ah Maamul-daadejinta gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment