Saturday, August 23, 2014

Madaxweyneyaasha Maamullada Galmudug iyo Puntland ee Somaliya oo Hadallo kulul Warbaahinta isku dhaafsaday

Garowe/Galkacyo, 23 August, 2014 (Himilo)- Madaxweyneyaasha Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Puntland ee Soomaaliya, ayaa Weedho kulul isu mariyey Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha, kuwaasoo isku khilaafsan Maamul-goboleed cusub oo lagu soo kordhinayo qaybo ka tirsan Magac ahaan deegaannada ay kala Maamulaan.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jeneral Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha QAYB-DIID IYO GAAS12Maamulka Puntland inuu doonayo inuu dhibaato hor leh ka abuuro gobollada dhexe ee Soomaaliya. Madaxweyne Qayb-diid, ayaa sheegay in Cabdiwali Gaas aanu doonayn in dadka ku nool gobollada dhexe ay Maamul sameystaan, isla markaana uu doonayo inuu ka abuuro deegaannadooda dagaal iyo dhibaato cusub.
“Gaas ma rabo in dadka gobollada dhexe ay Maamul sameystaan, midda uu doonayaa waa inuu abuuro dhibaato cusub iyo dagaal ka dhaca gobollada dhexe ee Soomaaliya, taasna ka yeeli mayno.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid) oo Warbaahinta la hadlay shalay.
Sidoo kale, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa isuguna sheegay in hadalka kasoo yeedhay Jeneral Cabdi Qeybdiid markii la saxeexayay heshiiskii ay dawladda Federaalka iyo Maamullada ka jira gobollada dhexe qaarkood ku heshiiyeen in la sameeyo Maamul mideysan uu ahaa gar-darro garab og.
“Qeybdiid markii uu lahaa fad ama fadin waa lagu fadsiin, hadalkiisu wuxuu ahaa gar-darro garab og.” ayuu yidhi Cabdiweli Gaas oo sheegay in Maamulkiisa aanu raalli ka ahayn in deegaanno ka tirsan kuwa uu Maamulo lagu daro Maamulkaas lagu midaynayo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Hadalladan ayaa imanaya iyadoo Maamulka Puntland uu ku dhawaaqay in uu xidhiidhka u jaray dawaldda Federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib markii ay ku eedeeyeen inay ku xad-gudubtay Dastuurka dalka u yaalla, isla markaana ay iska horkeento Maamullada dalka ka jira sida ay Puntland ku andocootay.
Madaxweynaha Puntland Gaas ayaa sidoo kale sheegay dhawaan inay diyaar u yihiin wadahadallo ay la furaan dawladda si khilaafka jira meesha looga saaro, balse aanay jirin wax gor-gortan ah oo ay ka galayaan deegaannada Puntland.
Maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa deris ah, iyagoo labada dhinac ee ay u qaybsan tahay magaalada Galkacyo ka kala taliya, lamana oga saameynta ay ku yeelan doonaan deggennaashaha degmadaas hadallada ay Warbaahinta isku dhaafsanayaan Gaas iyo Qaybdiid.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment