Tuesday, August 26, 2014

99 Jir Maalin Kasta Maryaha Ay Dawaarka Ku Tosho Ugu Tabarucda Haweenka Saboolka Ah Ee Qaarada Afrika Ku Nool

Haweenay 99 jir ah oo ku nool deegaanka Iowa ee dalka maraykanka ayaa maalin kasta si iskeed ah u tosha dharka ay haweenku xidhaan waxaanay ugu tabarucdaa haweenka saboolka ah ee ku dhaqan qaarada afrika, haweenaydan da’da ah oo lagu magacaabo l Lillian oo haatan ku jirta wakhti da’ ah ayaa waxay muddo qayb ka ahayd urur khayri ah oo ka shaqeeya arrimaha samafalka kaas oo dadka saboolka ah ee afrika ku caawiya alaabaha kala duwan ee ay dharku ka mid yihiin.
Weber ayaa iskeed hada waxay u samaysaa dharka iyadoo isticmaasha dawaar u yaala guriga ay ku nooshahay waxaana ay weber sheegtay in maadaama hada da’deedu ay aad u weynaatay aanay awoodin inay ka xaadirto goobaha ay ka shaqeeyaan ururka ay ka hawl gali jirtay ee samafalku.
Weber ayaa muddadii ay kaligeed hawshan tolista maryaha ah ay waday waxay samaysay 840 maryood oo ay si gaar ah ugu toshay haweenka saboolka ah ee ku dhaqan qaarada afrika, waxaana ay sheegtay inay qorshaha ugu jirto in marka ay gaadho 100 sano oo buuro ah ay samayso 1000 shay oo maryo ah oo ay si gaar ah ugu talo gashay haweenka ku dhaqan qaarada afrika.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment