
Diyaarado dagaal oo aan la aqoonsan ayaa laba jeer todobaadkii la soo dhaafay duqeeyay goobo ka tirsan caasimada Tripoli, xilligaasi oo uu socday dagaal xooggan oo ay maleeshiyada Islaamiga ah ku dooneysay in ay garoonka diyaaradaha kaga qabsato ciidamo dowladda taabacsan.
Isniintii shalay ahayd ayaa wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka waxa uu qoray, in dalalka Masar iyo Isutaga Imaaraadka Carabta ay fuliyeen duqeymaha, iyaga oo aan la socodsiin dowladda Mareykanka.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in Mareykanka aanu wax war ah u haynin xilliga ay duqeymaha dhacayeen, waxaana uu intaa ku daray in xukuumadda Washington ay ka walwalsantahay in hub ay ka iibsadeen labadaasi dal loo adeegsaday duqeymaha, taasoo buu sheegay in ay kasoo horjeedo shuruudihii lagu iibiyay hubkaasi.
Masar ayaa beenisay in ay fulisay duqeymaha, halka dowladda Isutaga Imaaraadka Carabtana aanay ka hadlin arrinka.
Duqeymaha ayaa muujinaya loolanka awooddeed ee u dhexeeya hogaamiyayaasha Carabta iyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee ka dhashay kacdoonkii saameeyay inta badan dalalka Carabta.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment