Wednesday, August 27, 2014

Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah oo ka Gar-naqaya Khilaaf ka dhex curtay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Somaliland

Nuxurka uu salka ku hayo Khilaafkani oo Wasiir Waran-cadde lagu eedeeyey inuu abuuray!

“Maaha wax cusub iyo dacwad cusub oo la isku haysto, waa waxay saxeexeen, Saxeexii Madaxweynahaa yaalla, Saxeexii Wasiirka Daakhiliga ayaa yaalla, waxay Xukuumaddani...” Musharrax Jamaal Cali Xuseen

Hargeysa, 27 August, 2014-(Himilo)- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa shaaciyey inay Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu jebiyeen Ballan-qaadyo hadal iyo qoraal-ba isugu jira oo ay Shacabka iyo Beesha Caalamka-ba u qaadday, isla markaana ay doonayso hirgelinta qorshe u suuro-gelin kara dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka la qaban lahaa badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.
jamaalWaxa uu Jamaal Cali Xuseen faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Wefti ka socda dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka ee Somaliland ka taageera nidaamka dimuquraadiyadda iyo hirgelinta doorashooyinka, kuwaasoo ay Madaxda labada Xisbi Mucaarid iyo Xisbiga Muxaafidka ah ee dalku Hargeysa kula kulmeen Isniintii toddobaadkan, kuwaasoo Hargeysa u yimi xal u helidda khilaaf u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo la xidhiidha qabyo-qoraalka Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah oo uu ku jiro qodob sheegaya inaan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha la qaban karin illaa ay dhammaato Diiwaangelinta Madaniga ah, taasoo ay Mucaaridku ku tilmaameen mid aanay aqbali karin.
Jamaal Cali Xuseen oo shalay Horn Cable TV uga warramay Weftigaas waxay kala hadleen, qodobbada la jebiyey, sida xaalku ku sixmi karo iyo halka dhibtu ka taagan tahay, waxa uu yidhi; “Waxaannu kala hadal-nay Qaadhaan-bixiyeyaasha arrimaha danaha u ah Doorashooyinka Somaliland, waxaannu kala hadalnay arrinkay u yimaaddeen oo ahaa arrinkan labada Diiwaangelinood ee ta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeaasha doorashooyinka oo gadhka la isu geliyey, oo runtii abuurtay jawo-wareer aad u fara badan. Waynu ognahayoo dhawr bilood ka hor waraaq ay kala saxeexdeen baa jirtay saddexda Xisbi, Wasiirka Daakhiliguna uu saxeexay oo lagu tashaday in labada diiwaangelinood ay yihiin laba kala duwan oo aan shuqul isku lahayn oo kala ah diiwaangelinta Madaniga ah iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.”
“Diiwaangelinta Madaniga ah dadka ayaa la tiro-koobayaa, ta cod-bixiyeyaashuna waa ta ay Deeq-bixiyeyaashu eegayaan si doorashooyinku innoogu qabsoomaan. Dawladdu Mashruuca diiwaangelinta Madaniga ah iyadaa wadatay, waana wax fiican oo dalka u fiican in la hor-mariyo. Laakiin, waxaan idiin sheegayaa diiwaangelinta Madaniga ah marka la samaynayo sannaddo ayay qaadataa, dalalka Afrika ee aan ka soo shaqeeyey qaarkood bay shan saddex sano illaa shan sano ku qaadata. Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashuna waa ta aynu doonayno ee doorashadii hore ee Madaxtooyada ka hor aynu samaynay, dhawr bilood baanay qaadataa, waana ta aynu doonaynay si doorashooyinku innoogu qabsoomaan.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.
Waxaanu Jamaal oo sharraxaya tallaabada ay Xukuumaddu qaadday ee dhibaatada ku ah doorasho dalka ka qabsoonta uu yidhi; “Dawladdu waxay samaysay halkay Xeer-kii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ay ka keeni lahayd Baarlamaanka, ayaa waxay ku soo qastay Xeerkii diiwaangelinta Madaniga ahaa, markaasaa Xeerka waxay ku soo qortay illaa diiwaangelinta Madaniga ahi dhammaato mooyaane ta Cod-bixiyeyaasha lama bilaabi karo, taasoo qofka qoray uu ugu talo-galay in la is-laayo ama la isku dhufto dadka, sababta oo ah ta Madaniga ahi meel ay ku istaagtaa ma jirto, in gadhka la isu geliyana maaha, waana laba kala duwan.”
Waxaanu intaas ku sii daray oo yidhi; “Markaa, Xeerkaas qabyo-qoraalka ah bay u yimaaddeen (Qaadhaan-bixiyeyaashu) ee weli qoraalka ah ee aan weli Baarlamaanka la hor-keenin ee haddii Baarlamaanku u codeeyo innagu noqonaysa Sharci, dadkana qoorta isu gelinaya oo dalka dhibaato badani uga iman karto, arrimaha aannu kala hadlaynayna waa arrimahaas. Dawaldda waxa laga doonayaa inay doorashada qabato, dadka inay dawikhiso ama ay kolba la timaaddo taatiko cusub oo ay doorashada dib ugu dhigayso taasi laga yeeli maayo.”
“Xukuumaddu iyadaa ku timi doorasho xalaal ah, iyadaa ka caban jirtay markii ay Mucaaridka ahaayeen doorasho dib loo dhigo, Adduunkuna haddii kolba doorashooyinkeennii dib loo dhigo, oo Baarlamaanku afar sano oo dheeraad ah iska joogo, oo Guurtida 23 sano aan hab lagu doorto loo samaynin, Guddiga doorashooyinka wakhtigoodu sii dhammaanayo, Xukuumadduna waa ta keliya ee innoo joogta ee aan wakhtigeedii sharciga ahaa ka dhammaannin iyadana haddana dib baa doorashadeeda loo dhigayaa dee caalamku wuu innaga xiiso-dhacayaa, taasina waxay innagu keenaysaa hannaankii dimuquraaddiyadda ee aynu Somaliland ahaan lahayn ee aynu caalamka kaga doonaynay aqoonsiga inay dhibaato ku keento.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID waxa uu sheegay inay Somaliland caalamka ka iibiso laba shayn oo keliya, labadiina maanta Xukuumaddu carqaladaynayso, waxaanu yidhi; “Laba Badeecadood baynu iibinnaa Somaliland ahaan, waa nabadda iyo dimuquraadiyadda, labadii shay ee aynu iibinaynay inaynu carqalad gelinno maaha. Dawladdana (Xukuumadda) waxaad mooddaa in kasta oo ay weli qolooyinkan Deeq-bixiyeyaashu la hadlayaan Xukuumadda iyo Wasaaradda arrimaha gudaha oo aad mooddo ta keentay wanjalaaddan iyo dawakhaaddan horseedday, laakiin Wasiirrada kale iyo Xukuumadduna way kula socotaa haddii arrinkani qabyo-qoraal yahay.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in arrintan Masuuliyaddeedu saaran tahay Madaxweynaha, waxaanu yidhi; “Annaga Madaxweynaha ayaa nooga masuul ah, Madaxweynuhu waa nin weyn ummadduu hor-istaagay, Baarlamaankuu ka hadlay wuxu yidhi maalin la iigu dari maayo, annagu tii baannu taagannahay, dawladdana waxa laga doonayaa inay doorasho u diyaar-garawdo, maaha kolba inaynu wax carqaladayno. Waar wixii lagu heshiiyey ee Madaxweynuhu saxeexay maaha keliya inuu Baarlamaanka ka hadlay ee xataa Waraaq buu u saxeexay Deeq-bixiyeyaasha, taasaa hor-taalla. Wasiirka arrimaha gudaha Warqaddii baa hortaalla uu laftiisu saxeexay, annagu garan mayno dawakhaaddan iyo wareerkan immika jira, taas ayaanay u yimaaddeen oo aannu kala hadalnay, Qaadhaan-bixiyeyaashuna Deeq inna siin maayaan haddaynu innagu iska dhammaan wayno,”
Mar uu Jamaal Cali Xuseen ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Weftiga Qaadhaan-bixiyeyaashu dacwaddooda markay dhagaysteen ku qanceen iyo waxay yidhaahdeen, waxa uu yidhi; “Meeshu dacwadba maaha, Waraaqo iyo Dhukumenti baa yaalla hore ayaa loo kala saxeexday waxan, waa wax mar hore go’aan lagu gaadhay ayaa dib loo soo celinayaa, maaha wax cusub iyo dacwad cusub oo la isku haysto, waa waxay saxeexeen, Saxeexii Madaxweynahaa yaalla, Saxeexii Wasiirka Daakhiliga ayaa yaalla, waxay Xukuumaddani dadka iyo Deeq-bixiyeyaasha-ba u ballan-qaadday inay waxani sidaa ku soconayaan, weliba qoraal ahaan. Laakiin, maanta way ka duween, Xeerkanna waa inuu noqdaa Xeer dib loo soo hagaajiyo oo gal-daloolooyinka laga soo saaro, markaas ayuun baanay arrimuhu hagaagayaan oo ay soconayaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment