Sunday, August 24, 2014

Carwa Lagu Soo Bandhigay Ganacsi Kala Duwan Oo Maanta Hargeysa Laga Furay

Hargeysa:Aug,24,2014(Himilo)-Carwo ganacsi oo shirkado caalami ah iyo kuwo somaliland kasoo jeedaaba kusoo bandhigayeen wax soo saarkooda, ayaa Maanta laga furay Huteel Mansor ee Magaalada Hargeysa.

careCarwadan oo ah tii saddexaad ee Nooceeda ah, isla-markaana ay soo abaabuleen Koox Lagu Magacaabo AOA, ayaa si weyn loo soo camiray, waxana ganacsigooda keenay shirkaddo dalka wax kasoo saara iyo kuwo ajaanib ah oo doonaya inay dalka keenaan waxyaabaha ay dalalkooda kasoo saaraan.

Maamulaha Carwadan oo 5 Cisho soconaysa Cali Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in U jeedada Carwadani tahay sidii Shirkaddaha Ajaanibka ahi ugu bandhigi lahaayeen Alaabooyin cusub oo ay dalka keenayaan iyo in Ganacsiga maxaliga ah laftiisu dadka u soo bandhigo ganacsigooda.

“Meeshan Quruxda badan waxaa iskugu yimid 40 Shirkadood oo wadanka gudihiisa ah iyo 20 dibada ka yimid sida Jabuuti, Yemen, Syria,Sucuudiga, markaa sanad walba mar baanu qabanaa Carwadan.” Ayuu yidhi Maamulaha Carwada.

 

Cali Maxamed Yuusuf oo sharaxaya U jeedada iyo faa’iidada Carwadan waxa uu yidhi “Shirkaddahan Carabta ah ee 20-ka ahi badankoodu waxay doonayaan cid wadanka wakiil uga noqota oo Alaabtooda wadanka ugu iibisa.kuwa waddanka laftoodu waxay soo bandhigayaan Wax soo saarkii Beeraha kii wershadaha, markaa way ka duwan yihiin kuwii dibada wax ka keeni jiray. Waxay markaa doonayaan inay alaabooyinkan dadka baraan, waxanina waa wax cusub oo la doonayo in wadanka la soo galiyo ama suuqa”

Dadweynaha reer Hargeysa, ayaa iyaga laftoodu si weyn wax uga iibsanayey carwadan, waxana ay ka faa’iidaysanayeen qiimo dhimis laxaad leh oo lagu sameeyey waxyaaabihii halkaas lagu soo bandhigay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment