Saturday, August 23, 2014

Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo Dood Xasaasi ah ka yeeshay Xeerka Baananka Ganacsiga ee Madaxa-bannaan

“Shan Malyuun maaha wax ummad Malaayiin Lacag ah la yidhaa hallagu dhigo Bangi ee Shantaa Malyuun hadduu la yimi ummadda maxaa u dammaanad ah?” Xildhibaan Dable

Hargeysa, 24, 2014-(Himilo)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Dood adag ka yeeshay Xeerka Baananka aasaasidda Bangiyada Madaxa-bannaan ee Ganacsiga, kaasoo dhawaan qabyo-qoraalkiisa Baanka dhexe ee Somaliland u gudbiyey Golaha Wakiillada, waxaanay Mudanayaasha ka dooday iftiimiyeen gal-daloolooyin aan lagu siideyn Karin oo ka muuqda Xeerkaas.
golaha1Fadhigii Golaha Wakiillada ee shalay oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxay Mudanayaasha dooddooda ka dhiibtay fadhigaas waxay iftiimiyeen sida loogu baahan yahay in Xeerkaas dib loo derso, isla markaana la waafajiyo Shureecada Islaamka, Dastuurka iyo Xeerarka dalka, maaddaama oo uu Dastuurku waajib ka dhigayo inuu reebban yahay hirgelinta iyo ku dhaqanka Xeer kasta oo qodobbadiisa qaarkood ka hor-imanayaan Shareecada Islaamka.
Maxamuud Jaamac X. Cilmi (Dable) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee fadhiga shalay dooddooda ka dhiibtay, ayaa ku dooday inaan Xeerkan lagu muujin dammaanad ay ku qanci karaan ama lagu badbaadin karo Hantida Muwaaddiniinta haddiiba ay dhacdo in Baanka Ganacsi ee Madaxa-bannaani kaco ama musallafo.
“Kii hore ee Islaamiga ahaa haddii aynu saxeexnay, kan labaadna uu leeyahay yaanu ka hor-imannin Sharciga waddanka uu haddana ka hor imanayo, taasi waa qodob. Ta kale, waxa yaab leh Raasamaalka Bangigu waa Shan Malyan, Shanta Malyan Dahabshiil oo keliya ayaa dhigi kara ama Oomaar, kuma taallo waxa uu Baanka dhexe dammaanad ugu haynayo dadka? Illeen qofka Muwaaddinka ah Caliga Adhiga dhoofiya oo keliya ayaa Labaatan Malyan dhigan kara, hadduu kala kaco Berrito, maxaa u dammaanad ah, Baankan Ingiriiska, ka Jabuuti iyo Baanka Yemen-tu hadday yidhaahdaan waannu fannashnay?.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dable.
Waxaanu Xildhibaan Maxamuud Xaaji Jaamac Cilm (Dable) oo dooddiisa sii watay intaas ku daray oo yidhi; “Waxba loo qabsan maayo ee wixii hanti ah ayuun baa la qabanayaa. Shan Malyuun maaha wax ummad Malaayiin Lacag ah la yidhaa hallagu dhigo Bangi ee Shantaa Malyuun hadduu la yimi ummadda maxaa u dammaanad ah? Baanka dhexe kumuu caddayn halkaas waxa uu ummadda u haynayo.” Xildhibaan Dable.”
Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahin Carraale Cabdi oo isaguna ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada ee ka dooday Xeerkan shalay, waxa uu yidhi; “Xeerkan bal Ragga magacan u bixiyey iyagaa magac u bixin doonee, ma waxaynu nidhaahnaa waa Xeerka Bangiyada aan Islaamka ahayn, mise waxaynu nidhaahnaa Xeerka Bangiyada Riboowga ah? Waayo? Xeerkii Bangiyada Islaamka ah waynu ansixinnay.”
“Waxa cad waxaynu leenahay Aluf wax malaha iyo wax-buu leeyahay labadaba waan sheegaynaa, waxaynu leeyahay Ribada iyo wixii aan Shareecada Islaamku oggolayn Dastuurkeennu ma oggola. Dastuurkeennu wuxu ku bayaamiyey, qodobka 5-aad farqaddiisa labaad wuxu tilmaamay Xeerarka Dalka waxa laga qaadanayaa Shareecada Islaamka, waxaana reebban wixii Xeer ah ee ka soo horjeeda.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Carraale Cabdi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment