Wasiir Xirsi oo jawaabtiisa oo qoraal ah ku baahiyey barta uu internetka ku leeyahay ee la yidhaa Guusha.com ayaa waxay u dhignayd sidan:-“Haddii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqonmayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumada khaldan aad ka samaysaan.
Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiiro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Warancade oo yidhi “Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaradu isagoo uuga gol le in laba wasiir goobta ka hadleen
Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono,
" ??? ?? ????? ????? ????? "" Hadii aanad Xishoonayn waxaad doontaba samee"
Waxa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay
in laga dhigay Been cad oo odhanaysa “Wasiirka Wasiirada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno wayn lahayn.!!
Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano waxqabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana carqaladaynina.!
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment