Friday, September 12, 2014

Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somalia iyo Somaliland iyo Xidhiidhka Dawladdiisa iyo Maamulka Puntland

Muqdisho:Sep,12,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ayaa markii ugu horraysay in muddo ah ka Hadlay Wadahalladii Somalia iyo Somaliland ka dhexeeyey iyo Waliba Xidhiidhka Dawladiisa iyo Maamulka Somalia.

madaxweyne Xasan sheekhMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul jira, isla markaana ay dowladdu qaddarinayso go’aanka iyo rabitaanka dadka ku nool deegaannada maamulkaas, kaddib markii uu muran ka dhashay maamul ay dowladda Soomaaliya ku lug leedahay oo loo sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamul u samaynta gobollada Mudug iyo Galgaduud ay dowladdu waafajinayso nidaamka federaalka ah iyo dastuurka u yaalla dalka, iyadoo dib-u-eegis ay samaysay dowladda uu ka soo baxay in la sameeyo maamul KMG ah ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ujeeddada loo samaynayo maamul mideeya gobbollada Mudug iyo Galgaduud aanu ahayn in la carqaladeeyo ama la kala qeybiyo Puntland, balse ay dowladdu doonayso in dalka ay ka dhaqan geliso dastuurka, oo nidaamka federaalka ah la gaadhsiiyo gobollada oo dhan.

Wuxuu sheegay in dhowaan wafdi ballaadhan oo ay hoggaaminayaan qaar ka tirsan madaxda dalka ay dowladda u diri doonto Puntland, kuwaas oo kala xaajoon doono arrintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale ka hadlay halka ay ku dambeeyeen wadahadalladii u dhexeeyay dowladda federaalka ah iyo Somaliland, wuxuuna sheegay in labada dhinac ay go’aansadeen in wadahadallada ay ka socdaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay inuu aaminsan yahay midnimada somalia, wuxuuna rajo ka muujiyay in wadahadallada u dhexeeya iyaga iyo Somaliland lagu guulaysan doono si loo gaadho wax labada dhinacba ku wada qancaan.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment